U bood dhigaalka

Jubbaland: Xildhibaan Axmed Taajir Oo Ugu Dambeyn Is Casilay

Sheeko:Dalka

Xildhibaan Xasan Axmed Cabdi Taajir oo saxaafadda kula hadlay magaalada Kismaayo, kadib markii dib loo siiyey xorriyadiisa ayuu sheegay inuu iska casilay xilkii uu hayey.

Taajir ayaa sheegay in kala aragti duwanaansho, khilaaf soo noqnoqday kadib uu go’aansaday inuu u tanaasulo shacabka Jubbaland.

Sidoo kale, Taajir ayaa sheegay in muhiim ay tahay in laga shaqeeyo nabadda iyo horumarka Jubbaland.

“Anigoo ah xildhibaan Axmed Xasan Cabdi (Axmed Taajir) ahna xildhibaan laga soo doortay degmada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose, waxaan u sheegayaa shacabka aan metalo iyo guud ahaan kuwa Soomaaliyeed, kadib markii aan arkay kala aragti duwanaan soo noqnoqotay iyo khilaaf soo noqnoqday iyo xariggii la ii geystay 30 January 2018, waxaan halkaan ka caddeynayaa inaan u tanaasulay shacabka reer Jubbaland iyo Hormarkooda, ayaa waxaan go’aansaday in aan iska casilo xilkii xildhibaannimo ee aan u hayey shacabka reer Jubbaland, gaar ahaan shacabka degmada Afmadow, waxaan ka shaqeynayaa mar walbo wax walbo oo hormarin kara shacabka Jubbaland” ayuu yiri Taajir.

Axmed Cabdi Taajir, ayaa maalmo ku xirnaa xabsi ku yaalla magaalada Kismaayo, kadib markii lagu eedeeyay inuu abaabulayo qalqal amni.

Goobjoog News