U bood dhigaalka

Jubbland oo Ciidamo Geysay Ceelwaaq

Sheeko:Baarlamaanka

Dowlad goboleedka Jubbland ayaa ciidamo badan oo ka tirsan kuwa Daraawiishta waxaa ay geysay magaalada Ceelwaaq  ee gobolka Gedo, halkaas oo lagu wado iney ka dhacdo doorashada kuraasta ka tirsan golaha shacabka.

Diyaarad kuwa xamuulka ah ayaa ciidanka duhurnimadii maanta geysay magaalada, waxaana ciidanku ay kala degeen goobo gaar ah oo loogu talo galay, waxaana la arkayaa difaacyo ay ka samaysteen duleeyada magaalada.

Magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa dhowaan guddiga hirgelinta  doorashooyinka FEIT waxuu u asteeyay deegaan doorashada labaad ee Jubbaland, kadib markii magaalada xarunta ah Garbahaareey la isku mariwaayay.

Goobjoog News