U bood dhigaalka

K/Afrika: Jaaliyadda Oo Codkooda Ku Biiriyay Raadinta Maqaamka G/Banaadir

Sheeko:Dalka

Ka Hadalka Maqaam uu yeesho Gobalka Banaadir, kuma koobna Siyaasiyiinta ama Odayaasha Deegaanka oo kaliya ee sidoo kale Dhallinyarada Qurbajoogta Soomaalida, ayaa dhankooda ka dalbanaya sidii loo heli lahaa Xaqii uu Gobalka Banaadir lahaa.

Boqolaal Soomaali ah, ayaa xalay isugu soo baxay Munaasabad lagu Dalbanayey Maqaamka Gobalka Banaadir oo lagu qabtay Magaalo-xeebeedka Cape Town ee Dalka Koonfur Afrika, iyadoo codkii ugu dheeraa Madaxda Dowladda uga codsaday in si deg deg ah ay Shacabka reer Banaadir u helaan Xaqii ay Gobal ahaan lahaayeen sida Adeegyada Bulshada oo ay aad uga liitaan sida muuqata.

Gudoomiyaha Jaaliyadda Galbaash ee ay ku midaysan yihiin Dhallinta Gobalka Banaadir ee ku nool K/Afrika, Mudane Cali Qadaaye, ayaa Hogaanka Qaranka hor dhigay waxa hor taagan in Maqaamka uu leeyahay Gobalka Banaadir la cadeeyo, lagana qaado Qodobka 9aad ee Xayiraya ee ku qoran Dastuurka KMG, iyaguna ka dhallinyaro ahaan dal iyo dibadba aysan siyaasiyiin kaliya ku haleen doonin raadinta Maqaamka Muqdisho.

Sidoo kale, Ugaas Khadar oo ah Gudoomiye K/xigeenka Galbaash, ahna Gudoomiyaha Dhallinyarada reer Banaadir ee K/Afrika, ayaa ugu horeyn u mahadceliyey kasoo qeybgalayaasha muujiyey raadinta Maqaamka Muqdisho inay tahay mid Muqadas ah, isagoona Dowladda ka dalbatay inaysan iska indho iyo dhego tirin, sida Dowladihii hore xaqa aan Gobalka u raadinayno.

Intii ay Xafladda socotay, ayaa waxaa sidoo kale halkaasi ka hadlay Madax iyo Marti sharaf kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Nabadoon Shire Xundhureey, Sh C/raxmaan Al-Falaax, Yaasiin Cali Qawaar, Muuse Muude Afrax, Bootaale Cali Muuse, C/raxmaan Cali Kaar, waxaana sidoo kale khadka Telefoonka uga qeyb qaatay Wabar Socdaal oo ku sugan Caasimadda Dalka.

Waxaan meesha ka marneyn Ruwaayad Murti iyo maad badan Xambaarsaneyd oo ay Jileen Fanaaniinta Caan baxay ee Kooxda Gurmad Group ee ka dhisan Dalka Koonfur Afrika.

Goobjoog News

W/ Q Abdulrazak IndhaJaceyl????
Cape Town, South Africa

Mawduucyada:Banaadir