U bood dhigaalka

K/Afrika Oo Lagu Dilay Ganacsade Soomaaliyeed

Sheeko:Amniga

Koox burcad ah ayaa xalay waxay dalka K/Afrika ku dileen ganacsade Soomaaliyeed iyaga oo mid kalena dhaawac culus u geystay.

Burcaddan ayaa weerartay ganacsatadan oo ku sugnaa bannaanka kore dukaan ay ku leeyihiin deegaan ku dhow magaalada Cape Town ee dalkaasi.

Ganacsadaha la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay C/laahi Maxamuud Maxamed halka midka la dhaawacayna lagu sheegay Maxamed Ismaaciil.

Burcaddii falkaasi ka dambeysay ayaa goobta isaga baxsaday, waxaana halkaasi tagay ciidamada Booliiska dalkaasi oo baaritaannno wada.

Dilalka Muwaadiniin Soomaaliyeed ayaa muddooyinkaan dambe si aad ah ugu soo batay dalka K/Afrika oo Soomaalida ku haystaan ganacsi ballaaran.

Goobjoog News