U bood dhigaalka

K/galbeed: Mid Ka Mid Ah Wasiiradii Cusbaa Oo Is Casilay

Sheeko:Dalka

Mid ka mid ah wasiiradii uu dhowaan magacaabay madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, C/casiis Lafta Gareen ayaa ku dhowaaqay inuu is casilay.

C/salaam C/laahi Yalaxow Catoosh oo loo magacaabay wasiir ku xigeenka wasaaradda gaadiidka cirka iyo dhulka kana mid ah mudanayaasha baarlamaanka K/galbeed ayaa xilkaasi iska casilay.

Sababta Catoosh isku casilay ayuu ku sheegay in beesha uu kasoo jeedo aanay xilkaasi u qalmin ayna filanayeen in wasiir buuxa la siiyo.

Waxa uu tilmaamay in haddii ay waayeen ka beel ahaan wasiir buuxa aanay waxbo u tareyn xilka wasiir ku xigeenka.

Dhanka kale, Xildhibaan Catoosha ayaa ugu hambalyeeye wasiirada cusub xilalka loo kala dhiibay, wuxuuna ugu baaqay in ay gutaan waajibka saaran.

C/salaan C/laahi ayaa ka mid ahaa wasiiradii shalay uu soo magacaabay madaxweyne Lafta Gareen.

Goobjoog News