U bood dhigaalka

K/galbeed Oo u Digtey Siyaasiyiin Ku Sugan Baydhabo

Sheeko:Amniga

Maamulka K/galbeed ayaa u digey siyaasiyiin ay sheegeen in magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ka dhex wadaan falal amniga wax u dhimi kara.

Wasiirlka amniga maamulkaasi, Xasan Xuseen Maxamed ayaa warbaahinta u sheegay in magaalada ay kusoo kordheen siyaasiyiin si hoose u sheegaya in ay yihiin musharraxiin, balse amniga qalqal ku haya.

Waxa uu tilmaamay iney maqleen rag siyaasiyiin ah oo Baydhabo gudaheeda hub ku iibsanaya, isaga sheegay in cid walbo oo K/galbeed ah is sharixi karto, balse aan laga aqbali doonin amni darro.

“Waxaa magaalada ku jira siyaasiyiin si hoose u sheegaya iney musharraxiin yihiin, balse hadana amniga qalqal ku haya oo hub uruursi wada, maxaa keenay in hub la iibsado, annaga cidna ugama dulqaadan doonno iney amnigeenna wax u dhinto,cid walbo oo K/galbeed ah wey is soo sharixi kartaa” ayuu yiri wasiirka.

Dhanka kale, wasiirka oo ka hadlay amniga guud ee K/galbeed ayaa sheegay iney soo xoojiyeen howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab, wuxuuna shacabka ka dalbaday in garab ay siiyaan ciidanka DFS iyo kuwa K/galbeed.

Goobjoog News