U bood dhigaalka

K/galbeed: Qabashada Dacwadaha Dhulalka Oo La Hakiyey

Sheeko:Dalka

Wasaaradda cadaaladda ee dowlad goboleedka K/galbeed ayaa sheegtay in ay hakiyeen qabashada dacwadaha la xiriira dhulalka oo maalmahan dambe aad ugu soo batey.

Cabdi C/wahaab C/laahi, wasiir ku xigeenka wasaaraddan ayaa sheegay in ay fulinayaan baaq uu usoo jeediyey madaxweyne Laftagareen oo ku aaddan arrimaha dhulalka.

Wuxuu tilmaamay in inta la meelmarinayo sharciga dhulalka oo horyaalla golaha wasiirada, ay go’aan ku gaareen iney joojiyaan dacwadahaasi.

“Annaga oo ka jawaabeynaa baaqii madaxweynaha K/galbeed, waxana xoojinnay wadashaqeynta ka dhaxeysay wasaaradda cadaaladda iyo maxkamadaha, waxaan hakad gelinnay qabashada dacwadaha dhulka illaa laga gaaro xal waara inta laga dhameystirayo sharicaga dhulalka oo horyaalla golaha wasiirada” ayuu yiri wasiir ku xigeenka.

Maxkamadaha K/galbeed ayaa waxaa aad u buux-dhaafiyey dacwadaha la xiriira dhanka dhulalka, iyadoo marar badan ay arrintaasi muran badan uu ka dhashay.

Goobjoog News