U bood dhigaalka

K/galbeed: Waxaan Fureynaa Waddooyinka Ay Al-shabaab Xirteen (Dhageyso)

Sheeko:Amniga

Wasaaradda amniga ee dowlad goboleedka K/galbeed ayaa sheegtay in maalmaha soo aaddan ay bilaabi doonaan howlgallo ballaaran oo lagu furayo waddooyinka ay xirteen Al-shabaab.

Wasiir ku xigeenka wasaaraddan, Maxamed Isaaq Barrow oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay Al-shabaab ka dulqaadi doonaan degmooyinka ay go’doomiyeen, lana badbaadin doono dadka shacabka ah.

Barrow ayaa tilmaamay in shacabka K/galbeed dhankooda looga baahan yahay iney ciidamada ammaanka garab ku siiyaan howlgallada la sameyn doono.

Al-shabaab ayaa go’doomiyey degmooyin badan oo ku yaalla gobollada K/galbeed, mana jirto gaadiid iyo cid dhanka lugta ku geli karta degmooyinkaasi.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News