U bood dhigaalka

K/galbeed: Waxba Masoo Kordhineyso Taliyeyaasha Ay Magacawday DFS

Sheeko:Dalka

Maamulka K/galbeed ayaa sheegay in xilligaan aanay dhanka amniga wax badan kusoo kordhin karin Saddex taliye oo shalay lagu magacaabay shirkii golaha wasiirada ee xukuumadda Soomaaliya.

Wasiiru dowlaha wasaaradda amniga K/galbeed C/raxmaan Shariif Baraf ayaa sheegay in markii horeba ay qalad ahayd in shaqooyinka laga ceyriyo taliyeyaashii ka horreeyay kuwan cusub.

Waxa uu sheegay in madaxda dowlada dhexe laga doonayey in markii horeba ay ka fiirsadaan cidda ay xilalka u dhiibayaan, sidoo kalena aanay ahayn in sanad gudahiisa taliyeyaal badan la kala bedalo, waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Wax walba oo lagu degdego dhibaatadeeda ayey leedahay, laguma degdego taliyeyaasha sida Booliiska iyo Nabad-sugidda, markii horeba haddaan laga fiirsan wixii ka dhashay waa la ogaaday, waxay ahayd in dowladda sida ay hadda sameysay ka fiirsato muddo badan, balse ma qabo in wax dheeraad ah ay soo kordhayaan, inkastoo rag ruug-caddayaal ah xilalkaan loo magacaabay” ayuu yiri Baraf.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay magacawday Taliyeyaasha ciidamada Booliiska, Nabad-sugidda iyo Asluubta.

Goobjoog News