U bood dhigaalka

K/galbeed: Xildhibaan Ka Digey Duqeymaha Lala Eeegto Goobaha Ay Rayidku Degan Yihiin (Dhageyso)

Sheeko:Amniga

Mudane ka tirsan baarlamaanka maamulka K/galbeed ayaa ka digey duqeymo uu sheegay in lala eegto deegaanno ay degan yihiin dad rayid ah.

Xildhibaan Mahad Dhoore oo la hadlay Goobjoog, ayaa tusaale usoo qaatay deegaanno ka tirsan gobolka Shabellaha Hoose oo dad rayid ah lagu dilay.

Ciidamada Maraykanka iyo kuwa xoogga dalka ayuu sheegay in dhacdooyin badan oo shacab lagu diley ka fuliyeen Shabellaha Hoose, islamarkaana sanadkan ugu daran tahay waxyeellada lasoo gaarsiiyey rayidka.

Wuxuu ku baaqay xildhibaan Dhoore in DFS looga baahan yahay baaritaan iney ku sameyso dhacdooyinka Shabellaha Hoose, si aanu shacabka u kicin.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News