U bood dhigaalka

K/ Waqooyi Oo Sheegtay In Ay Diyaar U Tahay Shirmadaxeedka Trump

Sheeko:Dalka

Kuuriyada waqooyi ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay wadahadalka shirmadaxeedka, ka dib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu tuuray wadahadalkii lagu waday in uu la yeesho hoggaamiyaha Kuuriyada waqooyi Kim Jong-un.

Ku xigeenka wasiirka arrimaha dibadda Kuuriyada waqooyi Kim Kye-gwan ayaa ku tilmaamay go’aanka Trump mid aad looga xumaado.

Kulankan ayaa waxaa uu noqon lahaa kii ugu horreeyay oo nuuciisa ah kaasi oo ay yeeshaan Mdaxweynaha Mareykanka iyo hoggaamiyahay Kuuriyada Waqooyi.

Ilaa iyo hadda faahfaahin cad kama soo bixin shirmadaxeedka Singapore, balse wadahadallada ayaa diiradda lagu siiri lahaa sidii looga sifeyn lahaa Jasiiradda Kuuriya hubka Nukliyeerka.

Goobjoog News