U bood dhigaalka

In Ka Badan 15 Qof Oo Ku Geeriyootey Qaraxii Ka Dhacay Muqdisho

Sheeko:Dalka

Faah faahin horudhac ah ayaa laga helayaa qarax loo adeegsaday gaari oo saakay ka dhacay afaafka hore dekadda weyn ee magaalada Muqdisho.

Gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa ku qarxay goob ay ka cunteeyaan muruqmaalka dekadda Muqdisho, sidoo kalena ahayd meel aad u mashaquul ah.

Xilliga qaraxa uu dhacayey waxay ahayd xilliga ay shaqaalaha muruqmaalka ah quraacanayeen si ay dekadda u galaan.

Wariyeyaal ka tirsan Goobjoog News oo gaarey halka qaraxa uu ka dhacay ayaa soo sheegaya in khasaaraha dhimashada uu ka badan yahay 15 qof oo ay ku jiraan haween halkaasi raashiin ku iibinayey iyo dad kale oo mehrado ku lahaa goobta, iyadoo dhaawac badanna uu jiro.

Dadkii ku dhaawacmay qaraxan waxaa loola cararay isbitaallada ku yaalla magaalada Muqdisho.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News