U bood dhigaalka

In Ka Badan 40 Qof Oo Ku Dhimatay Dagaallo Ka Dhacay Congo

Sheeko:Dalka

Ku Dhowaad 50 ruux ayaa ku dhimatay wadanka Congo kadib markii ay ka billowdeen dalkaasi iska horimaadyo hubeysan oo u dhaxeeya maaleyshiyo beeleed iyo ciidamada ammaanka ee dalkaasi.

Afhayeen u hadlay ciidamada Booliska ee wadanka Congo ayaa sheegay in 49 Qof ay ku jiraan 6 askari oo ciidamada booliska ka tirsan ay ku dhinteen iska horimaadayadan.

Ilo wareedyo madax banaan ayaa sheegaya in dhimashada ay intaasi ka badan tahay, dhaawacana uu kor u dhaafay 100 qof.

Maleyshiyaadka u abaabulan qaab beeleedka waxay doonayaan in ay ka aar gutaan ciidamada ammanka oo horay u dilay hoggaamiye ka tirsanaa maleyshiyadaan.

Iska horimaadkan ayaa imaanaya kadib maalmo ay wadankaasi ay ka dhaceen rabshado dhiig ku daatay islamarkii ay ku dhawaaqeen gudiga doorooyinsha qaran in dib loo dhigay doorashadii dalkaasi sababo jira awgeed.

Goobjoog News