U bood dhigaalka

Ka Maqnaanshiyaha Farmaajo ee Shirka Afisyooni oo Abuuray Kalsooni iyo Deganaan

Sheeko:Amniga

Maqnaanshiyaha madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa waxaa ay fududeysay in si deggan, oo tartiib ah u socdaan wada hadallada doorasha ee u dhaxeeya dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada kuwaas oo ka socda xerada Afisyooni ee Muqdisho

Ilo xog-ogaal ah oo ku sugan shirka ayaa u xaqiijiyey Goobjoog News in xaaladda ay aad uga deggan tahay shirarkii hore ee uu Farmaajo joogay, isla markaana ay dhinacyada ku dadaalayaan inuu shirka guuleysto la’aantii.

“Ra’isul wasaare Maxamed Rooble ayaa ku guuleystay kalsoonida dhinacyada kala duwan oo ay ugu horeeyaan madaxda maamul goboleedyada” ayey isha intaas raacisay.

Meelaha ilaa hadda horumarka laga gaaray waxaa ka mid ah Gedo iyo kala dirista guddigii doorashada ee sharci darrada ahaa, waxaa kale oo meel fiican maraya arrinta Somaliland.

Dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda Soomaaliya waxaa ay qabaan in haddii Farmaajo uu sidan uga sii maqnaado kulamada iyo guud ahaan hannaanka fulinta doorashada ay keeni karto in dalka uu galo doorasho hufan, oo kalsooni ka muuqato.

Wada hadallada ayaa la filayaa iney sii socdaan todobaad iyada oo lagu dadaalayo xalinta dhammaan khilaafaadka jira si loo dedejiyo doorashada.

Goobjoog News