U bood dhigaalka

Kaalin Intee Le’eg ayay Dowladda Norway ku Leedahay Khilaafka Badda ee Soomaaliya iyo Kenya?

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf oo ka mid ah baarlamaanka federaalka Soomaaliya  isla markaa ka mid ahaa xukuumaddii ra’isul wasaare Cumar Cabdirashiid ee madaxweyne Sheekh Shariif ayaa qirtay in dowladda Norway ay ku khiyaameysay kiiska badda Soomaaliya isla markaana ay dooneysay iney Kenya badda Soomaaliya qeyb ka mid ah u gooyso.

Xildhibaanka oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa ugu horrey ka hadlay  heshiiska is afgaradka Soomaaliya iyo Kenya ee dhanka badda sidii uu ku bilowday:

“Arrintaa iyada ah 2009-kii, anigu xukuumadda ayaan ka mid ahaa markaa wasiirka howlaha guud iyo guriyeynta ayaan ahaa, waxaa noo yimid wasiirkii Kalluumeysiga iyo kheyraadka badda oo wada islaan u qaabilsan Norway arrimaha Soomaaliya iyo nin waayo arag ku ah arrimaha badda UN-ka ka shaqeynayay, waxay yiraahdeen waxaa halkan loo yimid, wadamadii badaha dhulkoodu aad u galaayay baa isbedel lagu keenay oo wax badda lagu kordhinaayo ayaa la keenay, sidaa daraadeed May(2009) dalka Kenya waxay qorteen Maab ay soo dursaareen Maabkii badeena, markaa 10 September1972-dii dowladdii Soomaaliya waxay la wareegtay territorial sea 200 Mile ah oo dhaqaale kaliya ah oo dowladda Soomaaliyeed iska leedahay oo wax ka kalluumaysan kara oo shaqo ka qaban karaa aanuu jirin illaa dowladda Soomaaliyeed fasax laga helo, dadalkii nala mid ahaa 150 Km oo kale ayaa loogu daray oo 350 baa laga dhigay markii dowladdu burburtay ka bacdi, markaa dowladda Kenya Maab bay sameysatay oo keenii bay korsaaratay, waxay nagu yiraahdeen Norway hadaanu nahay waxaanu rabnaa inaan idinka caawinno arrintaa iyada ah oo baddiina aan idiin difaacno, wax sahalanna weeyaanoo idinkaa gar yeelanaya cabirka dhulkaa laga bilaabayaa sidaas ayaa loo sameynayaa markaa wax walwal ah ha qabina noo wakiisha anagaa shaqadaa idiin qabaneynee, golaha wasiirrada waxaa lagu qanciyay in Norway shaqada inoo qabato”.

Waxa uu xildhibaanku sheegay in Kenya ay Maab sameysatay ay ku sheeganayso qeybo ka mid ah badda Soomaaliya UN-kan ay u gudbisay:

“Kenya Maabkii ay Kudibisay Qaramada midoobay ayaa ku soo celisay oo ku tiri Maabkani si khaldan ayuu u sameysan yahay ee idinka iyo Soomaaliya ka soo heshiiyay, haddii kale anagaa la wareegayna waxyna noqoneysaa biyo caalami ah oo Soomaaliya iyo Kenya labada waa laga qaadayaa ayaa la yiri. Markaa ayaa waxaa la yiri annaga iyo Kenya si wada jir ah aan usoo ceshanno baddii 350 KM, waxaan isku haysanana aan si gaar ah uga wada hadalno”.

Xildhibaan Maxamed Cabdi Yusuf waxa uu sheegay in ay ogaadeen heshiis Kenya iyo Norway dhex maray oo lagu boobayo kheyraadka badda Soomaaliya, sidaa darteedna ay go’aan cad ka soo saareen:

“Waxaa soo baxday arrintu iney ka gadisan tahay sidaas oo ay dowladda Kenya iyo Norwegian-ka ay heshiis wadagaleen sharikaadkoodu iney badeena Badroolkeeda qaataan arrintaasuna waxay ku timid waagii dowladdu jirtay oo Cabdullaahi Ciise uu safiirka Norway ka ahaa uu Soomaaliya keenay uu baday inoo baarayaan, waxay waayo arag ku yihiin badda iyo badroolka laga soo saaro, markaa badeenna ayay baareen waxay ogyihiin baddaana meelaha badroolku ku jiro ayay ogyihiin, markaa meel u dhaw Kismaayo iyo raas-kaanbooni dhexdeeda ah ayaa ceelka ugu weyn ku yaallaa, Norwegian-ku waxay daneynayaan iney baddeenna Kenya u gooyaan iyaga iyo Kenyana ay ku heshiiyaan dabadeena ay na khiyaanaan, marka waa la ogaaday markii aan ogaannay baarlamaanka ayaa la keenaya, baarlamaanku go’aan buu ka gaaray, heshiiska waa lagalay, laakiin baarlamaanku waxa uu go’aamiyay inaan heshiiskaas waxba ka jirin.”

Ra’isul wasaare Cumar Cabdirashiid ayuu ku difaacay xildhibaanku inuu raacay go’aankii baarlamaanka ee wakhtigaas, warqadna uu u qoray UN-ka:

“Ra’isul wasaare Cumar Cabdirashiis go’aankii baarlamaanka ayuu raacay warqad baanuu u qoray Qaramada Midoobay oo uu leeyahay heshiiskii anaga iyo Kenya baarlamaankaa diiday sidaa darteed ma shaqeynayo ayuu yiri”.

Waxa uu ka hadlay been abuur ay Norway ka sameysay qiyaaska dhirirka Xeebta Soomaaliya:

“Waxaa ku xigay 2010 ayay soo noqotay Sheekh Shariif oo madaxweynihii ah iyo wasiirka arrimaha dibadda oo la socda oo jooga Istanbul ayaa Norwegianku u yimaadeen, sida uu sheegaayo ninka Norway u fadhiya UN-ka xiligaas, uu leeyahay madaxweynaha Soomaaliya oo uu la socdo wasiirka arrimaha dibadda ayaa waxa uu naga codsaday inaan badda Soomaaliya u cabirno dhirirkeeda, waxaanu ka soo bilownay xuduudka ay la leeyihiin Jabouti waxaanu ku geynay kan Kenya waxayna noqotay 3050, taa macnaheedu waa meel 3333Km ay ahayd ayaa waxaa laga gooyay 283KM oo Kenya loo gooyay, markii arrintaas nasoo gaartay ayaa naloo soo gudbiyay warqad hadda gacantayda ku jirta, iska hadlimaayo, ayaa baarlamaanka mar labaad fariisannay waxaan go’aan ku gaarnay in illaa dowlad Soomaaliyeed oo shacbigu soo doortay oo awood u leh dalka iyo xuduudaha iney ilaaliso bad iyo barri heshiis laga geli karaa ma jiro.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayuu ku eedeeyay  go’aanka uu dacwadda badda ugu gudbiyay maxkamadda ICJ, maadaama uu jiray go’aan hore oo baarlamaan, kaas oo ahaa inaan badda iyo barriga Soomaaliya laga hadli karin inta laga helayo dowladd Soomaaliyaad oo adag badda iyo barrigana difaaci karta:

“Madaxweynaha hadda jooga ayaa warqad qoray waxa uu ula jeedo garan maynno waxa uu u qoray maxkamadda caalamiga ah ICJ oo uu leeyahay annaga iyo Kenya badda waan isku haysannaaye maxkamaddu go’aan haka qaadato, arrintaa iyada ah walwal badan ayay dhalisay, maxay keeni kartaa weeyaan? Baarlamaanku go’aanbuu gaaray inaan laga hadli karin waxaas ayaana hadda soconay khatarteeda ayayna leedahay”.

Si kastaba, Looyarrada u doodaya Soomaaliya ee jooga maxkamadda caalamiga ah ee ICJ ayaa la filayaa iney maanta dacwadooda ka dhiibtaan gudaha maxkamadda iyadoo dadka qaar ay baqdin ka muujinayaan go’aanka maxkamadda oo aan la ogayn waxa uu noqon doono.

Goobjoog News