U bood dhigaalka

Kaalinta Haweenka iyo Dhalinyarada Ku Jira BFS ee Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Waxaa maanta ka dhacaysa magaalada Muqdisho doorashada madaxweynaha Soomaaliya ee mudada 4 sano ah ee soo aaddan, iyadoo isha lagu hayo Haween iyo dhalinyaro si xoog leh u soo galay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Haweenka ayaa 24% ka helay Labada aqal ee baarlamaanka oo si is le’eg ay uga soo galeen, isku dar Labada Aqal waxay ka haystaan 80 xildhibaan, sidaas oo kale dhalinyarada baarlamaanka ku jirtaa waa tiro aan yareyn oo aad uga badan xilliyadii hore laguna qiyaasayo illaa 130 xildhibaan in kabadan iney yihiin dhalinyarada baarlamaanka ka soo dhex muuqatay.

Haweenka ayaa la ogyahay saameynta ay ragga ku leeyihiin iyadoo la yiraahdo-Nin kasta oo heersare gaara haween ayaa ka dambeysa- sidaa darteed waxaa rajo badan laga qaabaa in haweenku kaalin wanaagasan oo qiimo badan ka ciyaaraan siyaasadda iyo horumarka Soomaaliya.

Jawaahir Baarqab oo ah guddoomiyha Haweenka gobolka Banaadir oo Goobjoog ay wax ka weydiisay kaalinta Haweenka ee dhanka baarlamaanka ayaa waxay tiri, “Waxaa Illaahay mahaddii ah in dalkeenna ay doorasho ka dhacdo, dadkeenuna ay gaaraan biseyl siyaasadeed, qof kasta oo Soomaaliya qofka uu arko inuu dalka hoggaamin karo iney taageerayaan, maanta waxaan ka mid nahay Labada Aqal, haweenka Soomaaliyeed waxay ahaayeen kuwo mar walba u taagan horumarinta dalka, 4-sano ee ugu dambeysay waxay ahaayeen kuwo soo kabanaaya oo soo muuqanaaya, kana qeybgalaaya wasiirrada, baarlamaankii, hay’adaha dowliga ah meel walba waan joogney”.

Dhanka kale, Cabdullaahi Xaaji Cabdi oo wax ka bartay siyaadda iyo arrimaha bushada ayaan weydiinnay kaalinta laga fili karo dhalinyarada ku jirta baarlamaanka Soomaaliya, waxa uuna ku jawaabay:

“Marka hore waxaan aaminsanahay in dhalinyaradu ay keeni doonaan deganaanshiyo siyaasadeed, in ka badan 130 dhalinyaro ah ayaa ku jirta baarlamaanka sidaan qiyaasaynno, waxayna u badan yihiin dadkii dhex joogay dagaalladii sokeeye iyo dhibaatadooda, waxaan rajeynayaa iney dooran doonaan madaxweyne daacad ah oo Soomaalinimadu ku weyn tahay”, ayuu yiri Cabdullaahi Xaaji Cabdi.

Doorashada maanta ayaan shaki ku jirin iney ka duwan tahay doorashooyinkii hore ee Baarlamaannada Soomaliya, iyadoo Haween iyo  dhalinyaro badan ay gaarayaan go’aanka ah qofka noqonaya madaxweynaha Soomaaliya ee 4 sano ee soo aaddan, taas oo dadbadan ku dhiirrigelinaysa iney fishaan doorashada qofka ku habboon hoggaanka dalka.

Goobjoog News