U bood dhigaalka

Kadib Guusha Mursal, Akhriso Qorshaha Hortabinta Golaha Shacabka Iyo Shaqada Laga Sugayo

Sheeko:Baarlamaanka

Golaha shacabka ee baarlamaanka 10aad waxaa uu isniintii guddoomiye u doortay Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, arrintan oo soo af-jareysa khilaaf siyaasadeed oo u dhaxeeyay golaha iyo xukuumadda kaas oo soo bilowday bilowgii kalfadhigan 3aad.

Guddoomiyaha la doortay Maxamed Mursal waxaa laga sugayaa shaqo adag oo ay ugu horreyso inuu isu soo dhoweeyo xildhibaannada golaha shacabka oo ku kala tagay mooshinkii Jawaari, inuu hubiyo madaxbannaanida hey’adda sharci-dejinta iyo inuu ka shaqeysiiyo aqalkan oo muddo sanad ka badan ansixiyay oo keliya 3 sharci.

Inta aanan ka hadlin waxa la soo qabtay iyo qodobbada muhiimka ah ee laga sugayo guddoomiyaha la doortay iyo aqalkiisa, bal aan ku hormarno qorshaha hortabinta u ahaa  baarlamaanka 10 aad ee Soomaaliya, taas oo la doonayey in ay wax ka qabtaan:

1. Amniga iyo sidii dalka looga dhalin lahaa nabad, istaraatiijiyo cad oo si wadajir ah loo ansixiyay oo leh nidaam siyaasadeed qeexaya qorshe habeysan oo lagu fulin karo istiraatiijiyad amni iyo nabadeynta dalka.

2. Heeshiisiinta bulshada, horumarinta sarreynta sharciga, iyo hagaajinta xukunka iyo maamul dowladeedka.

3. Qorshe cad oo baarlmaanku oo hormuud ka hayay oo ku saabsan dib u soo celinta qaxootiga ku tabaaleysan dibadda iyo xeryaha qaxooti ee dowladaha dariska ah.

4. Wada xaajoodka Somaliland oo u baahan in baarlamaanku ay ka qeyb noqdaan guddiyada wadahadalka Somaliland oo u baahan in si dhab ah loo abaaro.

5. In dowlad goboleedyada dalka shruuc loo sameeyo lana waafajiyo dastuurka dalka.

6. Dhaqaalaha oo la doonayo inuu baarlamaanku kaalin ka ciyaaro shuruucda la dagaallanka musuqmaasuqa iyo la xisaabtanka hay’adaha maaliyadda iyo ansixinta miisaaniyad maangal ah oo dalku ku dhaqaaqi karo, iyo soo saarsinta shuruuc lagu dhiirigelinayo maalgashiga dibadda iyo ganacsata yaryar.

7. Inuu baarlamaanku dhiirigeliyo siyaasadaha lagu xoojinayo adeegyada bulshada, laanta garsoorka oo loo dhameystiro shucuuda dalku u baahan yahay.

8. Dhameystirka dastuurka oo ah tan ugu weyn, laguna caddeeyo qeybsiga kheyraadka dalka, nidaamka bixinta canshuurta qeybta dowaldda iyo tan maamul goboleedyada dalka

Sanad kadib, Qodobbadas hortabinta  ah ee aan soo tirinnay inta badan lama taaban, mana muuqato qaab hadda kadib wax looga qaban karo!

Sida uu u bilowday baarlamaanka 10aad oo hadda jira wax ka badan sanad, golaha shacabka waxaa ay ansixiyeen 16 qaraar iyo 3 sharci, waxaan weli laga sugayaa sharciyada xakameynta hubka, ladagaalanka argigixisada, Istaatiitikada Soomaaliyeed, Maamulka Maaliyadda, Sharciga Petroolka, golaha mihnadlayaasha caafimaadka, sharciga saxaafadda, waxbarashada Soomaaliyeed.

Kalfadhigan 3aad oo soconaya  10-ka March-10 July 2018, shaqada laga sugayo golahu waa ka badan yahay sharciyo, waxaa ka mid ah arrinta dastuurka oo la doonayey  in wax laga qabto qeybsiga Kheyraadka, qoondeynta awoodaha dowlad goboleedyada iyo dowladda federaalka ah iyo mabaa’dida lagu maareynayo maaliyadaha, doorashooyinka oo muhiim tahay in la ogaado nooca doorasho oo lagu ogaanayo gole deegaan, baarlamaanka iyo madaxweynaha qaranka haddii la isku raaco, waxaa kale oo dhimman Jinsiyadda oo aan looga maarmin diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha

Shaqada looga fadhiyo golaha shacabka waxaa kale oo ka mid ah, hirgelinta axsaabta siyaasiga ah oo lagu saleyn-doono doorashada qof iyo cod, garsoonrka, federaaleynta dalka…kuwan iyo qaar kale, waa sharciyadii u sal-dhigi lahaa dowladnimada iyo dimoqoraadiyadda.

Arrimaha in wax laga qabto u baadan waxaa ka mid ah Maqaamka Muqdisho oo go’aan laga gaaro sidii ay noqon laheyd: In laga dhigo deegaan federaal ah, in ay noqoto Dowlad-goboleed iyo in loo doorto Magaallo-madax ku dhex taalla dowlad-goboleed.

Labada aqal, waxaa ay galeen sanadkii 2aad, waqtiga socdo waxaa ka daran rajada umadda ee ku aadan in baarlamaanka 10aad uu ka shaqo fiicnaado kii 9aad, waayo baarlamaankii hore is-jiid-jiid hareeyay awgeed, waa tii la isku raacay doorasho dadban halkii doorashada noqon laheyd qof iyo cod.

Goobjoog News