U bood dhigaalka

Kadib Marka Safaaradda Mareykanka Loo Raro Qudus, Akhriso Heshiiska Qarniga Ee Ay Carabtu Ku Badalatay!

Sheeko:Dalka

Wafdi Mareykan ah oo ka wakiil ah madaxweyne Donald Trump  ayaa shalay soo gaaray Isra’il, wafdiga oo ay ka mid yihiin Jared Kunsher, Ivanka Trump iyo Steven Mnuchin ayaa lagu wadaa in maanta oo Isniin ah ay safaaradda Mareykanka ka furaan magaalada Qudus.

Ivanka Trump oo hadleysay markii ay soo degtay ayaa sheegtay in ay ku faraxsantahay inay u dabaal-degto 70 guurada aasaaska Isra’il iyo inay furto safaaradda Mareykanka ee Qudus.

Ra’isul wasaaraha Isr’ail Netanyahu waxaa uu furitaanka safaaradda Mareykanka ee Qudus ku sheegay mid taariikhi ah, isaga oo cabiray farxaddiisa arrinkaas ku aadan.

Dalal badan ayey Mareykanka ku casuumeen inay ka soo qeyb-galaan furitaanka saraafadooda ee Qudus waxaa ka mid ah: Albania, Angola, Cameroon, Congo, Democratic Republic of the Congo, Côte d’Ivoire, Czech Republic, Honduras, El Salvador, Guatemala, Ethiopia, Georgia, Macedonia, Hungary, “Egypt, Russia, Germany, Austria, Poland, Ireland, Malta, Mexico, Portugal iyo Sweden.

Tayyip Erdogan, madaxweynaha Turkiga waa mas’uulka keliya ee ka hadlay go’aanka Trump, Erdogan waxaa uu sheegay in Isra’il argigixiso tahay, isaga oo Qudus ku sheegay inay tahay caasimadda Falastiin.

Falastiiniyiinta ayaa lagu wadaa inay dhigaan dibad-baxyo looga soo horjeedo furitaanka Mareykanka uu Qudus ka furanayo safaarad.

Dhinaca kale, Mareykanka waxaa uu wadaa heshiis loogu magacdaray midka “Qarniga” oo sida muuqato lagu qanciyay madaxda Falastiiniyiinta, isla markaana ay hor boodayaan Masar, Urdun iyo Sacuudiga.

Heshiiskan Qodobadiisa Waxaa Ka Mid ah:

1. In Falastiiniyiinta ay u Aqoonsadaan inay Qudus tahay caasimadda Isra’il.

2. In Falastiin oo dal ah caasimadna looga dhigo meel dhowr KM u jirta Qudus.

3. In dhulalka la heysto xal loo helo.

4. In siyaasad xagga amniga ah ay ku heshiiyaan Isra’il iyo Falastiin.

5. In Dowladda loo dhisayo Falastiin aaney lahaanin ciidamo Militari ah, oo loo dhiso Booliis xoogan.

6. In Isra’il ay aayar ah uga baxdo dhulka ay heysto.

7. In Isra’il ay dunida aqoonsato inay tahay qowmiyad Yuhuudda.

8. In dunida aqoonsato Falastiin inay tahay dal matalo dhammaan Falastiiniyiinta.

9. Isr’ail inay ogolaato xuriyadda cibaadada ay Falastiiniyiinta leeyihiin.

10. In hal marin loo sameeyo Gaza iyo daanta galbeed, marinta waxaa maamulayo Isra’il.

11. In xal loo helo qaxootiga Falastiiniyiinta.

12. In badda ay maamulaan Isra’il.

13. Arrimaha xuduudda in wada hadal laga galo.

14. In xadka ay Falastiin iyo Isra’il la wadaagaan dalal kale, lagu heshiiyo iyada oo amniga ay isra’il mas’uul ka tahay.

Goobjoog News