U bood dhigaalka

Kal Fadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya Labaddiisa Gole oo Dib Loo Dhigay

Sheeko:Baarlamaanka

Qoraal si wada jir ah uga soo baxay guddoonka labada baarlamaan ee federaalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu go’aamiyay in dib loo dhigo kal fadhiga 7-aad ee baarlamaanka labada aqal ee golaha shacabka iyo kan aqalka sare.

Go’aankaan ay qaateen labada guddoon ayaa waxa ay ku sheegeen inay uga gon leeyihiin sidii loo ilaalin lahaa badqabka mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya, xilli gudaha Soomaaliya ay sii kordhayso tirade daka laga helayo caabuqa Coronavirus.

Kal fadhiga 7-aad ee laba gole ayaa lagu waday in uu furmo maanta oo ay taariikhdu tahay 20-04-2020, waxaana labada guddoon ay isku raaceen in inta xaaladdu cudurka COVID-19 ay dhinac u dhaceyso xildhibaanadu ay fasaxyihiin.

Halkaan ka akhriso warqadda ka soo baxday labada guddoon

Image may contain: text

Image may contain: text

Goobjoog News