U bood dhigaalka

Kala fadhigii Golaha Gaalkacyo P/Land Oo La Xirey

Sheeko:Baarlamaanka

Kala fadhigii koowaad ee golaha degaanka magaalada Gaalkacyo ee Puntland ayaa maanta la soo xiray.

Xiritaanka kala fadhigaani waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiyaha magaalada Gaalkacyo ee Puntland Maxamuud Yaasiin Tumeey, isagoo ka warbixiyay waxyaabo uu sheegay in goluhu uu ku guuleystay muddadii koobneyd ee uu xilka hayay.

Wuxuu heegay inay jiraan cabashooyin kaga imaanayay shacabka oo ku aaddan qaraxyo horey uga dhacay xarunta maamulka Gaalkacyo ee Puntland iyo sidoo kale dagaalladii dhowaan magaaladaasi ka dhacayay arrimahaasi oo uu sheegay in iminka laga soo kabsanayo.

Shacabka waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayuu ugu baaqay la shaqeynta maamulka degmada si wax walba ay u hagaagsanaadaan, wuxuuna tilmaamay in golaha degaanku ay mar walba ku howlan yihiin xallinta tabashada ay qabaan shacabka.

Xubno ka tirsan baarlamaanka federaalka ee dhowaan lagu doortay magaalada Garoowe oo ka qeyb galay xiritaanka kala fadhigani ayaa ugu baaqay golaha inay ka fogaadaan khilaaf si wadajir ahna ay u wada shaqeeyaan.

Ugu dambeyn, waxaa xiritaanka kala fadhiga koowaad ee golaha waqooyiga Gaalkacyo ka hadlay guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Xasan Maxamed oo sheegay in howl fiican ay qabteen ayaa ugu baaqay golaha degaanku inay ku biiraan howlaha la xiriira gurmadka abaaraha ee ka socda degaannada Puntland.

Goobjoog News