U bood dhigaalka

Kala Korinta Ubadka Oo Aragti Kala Duwan Laga Dhiibtay

Kala dheereynta carruurta waxa ay faa’iido u leedahay hooyada Iyo dhalaankeeda waa haddii ay waaliddiinta Soomaalida ay Ku dadaalaan caafimaadka carruurtooda iyo midda hooyada

Sida caadada ah marka la joogo Soomaaliya waxaad arkeysaa hooyooyin da’ ahaan Aad u yar oo wada  carruur badan  iyada oo mararka qaar ay ku Jahwareerto sida ay Carruurteeda ugu kala garsoori lahayd xagga waxbarashada iyo  mid koolkoolinba .

Hooyada ayaanana helin nasiino iyo caafimaad buuxa marka ay dhasho waxaana suuragal ah in ay iyada oo cunugga uu gaarin hal sano ay mid kale dhasho waxaana meesha ka baxaya daryeelkii cunugga iyada uu la qeybsanaayo kii uu ka weynaa 9 bil  taasina waa dhibaato oo carruurta iyo hooyada ay dhib ku noqoneyso in ay kala koriso.

Qaar ka mid ah dumarka ayaa hadda billaabay isticmaalka daawooyin lagu tilmaamay in ayan hooyada uur qaadeyn ilaa sanad ama laba sano .

Qaar ka mid ah dadka Muqdisho ayaan  weydiiyay sida ay u arkaan in ilmaha la kala koriyo.

“Kala dheereynta  ilmaha waa Faa’iido laakiin dhaqanka Soomaalida ayaa ah  in ay owlaadda badsadaan waana wax  fiican . waalidiinta  waxa ay la dhibtoodaan kala korinda ilmaha  waxaana  mararka qaar dhacda in owlaadda ay waalidiintu u xaqsoorin  xagga waxbarashada  waxaana  muhiim ah in aabaha  uu  nasiino fiican siiyo hooyada si ay jaanis ay ilmaha u kala koriso “ sidaa waxaa qaba  Maxamed Xasan oo ka mid ah dadka Muqdish .

Waa caa’isho Macallin Xasan Caddaan oo ka mid ah dumarka ku dhaqan magaalada Muqdisho waxa aan weediiyay  sida ay u aragto in haweenka  ay isticmaalaan daawo si ay ilmaha u kala koriyaan.

“Anniga ahaan waxaan aaminsanahay in ay qalad tahay in la isticmaalo  kaniini ama cirbad  si ay hooyada uur u qaadin taas bedelkeeda waxaa muhiim ah in hooyada uu Cunigeeda ay maalintii nuujiso 10 mar iyo wax ka badan taas ayaa sababi karta in hooyada ayan uur qaadin waana wax wanaagsan in ilamaha la kala dheereeyo”

Cabdulaahi Aadan  Axmed siyaad  oo ka mid ah waalidiinta Muqdisho ku nool  ayaa sheegaya  in kala korinta Ilmaha ay u wanaagsan tahay Carruurta  faa’iido badanna u leedahay  dhalaanka Xagga Koriimada jirka iyo fahamka Xagga waxbarashada .

“Waxaan ka mid ahay  aabayaasha aanan aaminsaneyn in la isticmaalo daawooyin ilmaha kala fogeeya  laakiin waxaan aaminsanahay  in ay muhiim tahay in ilmaha ay kala weynaadaan hal sano amo labo sano  sida ay sheegeyso diinteena islaamka cunugg a waa in ay hooyada nuujiso  labo sano  si cunugga uu taam u noqdo  xagga fahamka iyo koriimada  Jirka  wax walba  waa qadar  laakin dadaal  waa muhiim”

Isticmaalka daawooyinka  kala fogeeya ilmaha ayaa ah kuwa laga dhaxlo dhibaatooyin badan oo xagga caafimaadka ah haddii uusan dhaqtar u qorin waxaa isticmaali kara haweenka lagu soo qalo dhalaanka sida ay sheegayaan culimada caafimaadka

Haddana sidaa oo ay tahay waxa haweenka ayaanan ku baraarugsaneyn dhibaatada ay kala kulmi karaan isticmaaalka daawooyinkaas.

Ibraahim Maxamed Nuur madaxa xogta caafimaadka wasaaradda caafimaadka xukumada Soomaaliya  ayaa Goobjoog FM weediisay waxa ay wasaarad ahaan ay kala socoto daawooyinka  loo Adeegsato kala dheereynta ilmaha  ee ay Haweenku isticmaalaan.

“Waxaa xaqiiq ah in ayan jirin faham buuxda waalidiinta ka haysan inay muhiim tahay in ilmaha la kala fogeeyo taas waxa ay keentay in ay hooyada ay ku dhibtooto qaadista uurka taas ayaa u sabab ah in ay hooyada ay u dhimato xiliga umusha”

“Wasaaradda waxa ay ka wacyi gelisaa haweeka in ay muddo u dhaxaysiiyaan carruurta  si ay hooyada u hesho nasiino dhalaanka faa’iido ayaa ugu Jirto”.

“Ka wasaarad ahaan ma jirto qof aanan dhaqtar u soo qorin cirbad loo isticmaalo in ay hooyada ayan uur qaadin muddo  markii ay marto qaliin ilmaha lagu soo qalo in aanu Siino laakiin ma hubno in suuqyada lagu iibiyo”

Soomaalida ayaa ah dad boqolkiiba boqol muslim ah  hadaba diinteena islaamka maxay ka leedahay  xaqsiinta carruurta iyo kala korinta owlaadda  sida ku cad Aayadaha 33 saddexaad ee suurada Baqara.

W/D:- Ibraahim Xaaji Yuusuf

Tifaftiray:- Bashiir Maxamuud Wehliye

Goobjoog News