U bood dhigaalka

Kala Qeybsanaanta Xisbiga Jamhuuriga ee Dalka Mareykanka, Madaxda Diiddan Donald Trump!!

Sheeko:Dalka

Xisbiga Jamhuuriga ee dalka Mareykanka ayaa waxaa soo waajahay kala qeybsanaantii ugu xoogga badneyd ee muddooyinkan dambe lasoo gudboonaata, waxay ku kala aragti duwan yihiin teegeerada mursharaxa cusub ee xisbiga ee Donald Trump. Trump ayaa kiciyay mowjado muran ah iyo dhaleecayn aan loo meel dayin kadib markii uu xaqiray qoyska Askarigii muslimka ahaa ee Khan, kaas oo lagu dilay dalka ciraaq isagoo u adeegaya dowladda Mareykanka. Sambiririxashadan ka dhacday Trump ma ahayn tii ugu horreysay, laakiin waxay keentay in madax badan oo ka tirsan xisbiga Jamhuurigu ay saxaafadda si toos ah uga weeraraan murashaxooda iyagoo aan la gamban dareenkooda iyo sida ay uga ra’yi duwan yihiin Trump.

Bilawgii Qabanqaabada shirka guud ee xisbiga Jamhuuriga ee ka dhacay Cleveland ayaa waxaa jiray dadaallo ballaaran oo lagu doonayay in ra’yiga xisbiga lagu mideeyo, waxaana la isku dayay in hoos loo xalliyo khilaafka madaxda sarsare ee xisbiga Jamhuuriga, laakiin taasi wey fashilantay kadib markii  Ted Cruz, tusaale ahaan uu si cad uga codsaday codbixiyeyaasha Mareykanka ee xisbiga Jamhuuriga iney codkooda siiyaan qofka ay u arkaan inuu ku habboon yahay, xataa hadaanuu ahayn xisbiga Jamhuuriga, arrinkaasina waxa uu dhacay intii lagu guda jiray shirkii Cleveland. Madax badan oo ka tirsan hoggaanka xisbiga Jamhuuriga ayaa illaa hadda diidan iney garab istaagaan  Donald Trump, qaarkood waxayba sheegeen inaaney codkooda siinayn doorashada Madaxtinimo ee la filayo in bisha November ee soo aaddan ka dhacdo dalka Mareykanka.

Hadaba waxaan idiin soo gudbineynaa madaxda ugu cad cad ee ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ee hadana si weyn u diiddan Donald Trump:-

Qoyska Bush

Generated by IJG JPEG Library

George Bush labadii madaxweyne ee is dhalay iyo guud ahaan qoyska Bush, way diideen illaa hadda iney garab istaagaan Doland Trump, tartanka uu kula jiro xisbiga dimuqraadiga iyo Hillary Clinton, Jeb Bush ayaa isna ahaa musharixiintii ay Trump kusoo kala hareen is reebreebkii doorashada gudaha xisbiga Jamhuuriga. Qoyskan ayaa illaa hadda aan ku dhawaaqin wax tallaabooyin ah oo ay ku taageerayaan  Trump waana xilligii uu ugu baahida badnaa cid kasta oo xisbiga ka tirsanna aanuu ka maarmin, gaar ahaan madaxweynayaashii hore ee xisbiga kasoo baxay oo shacbiyad ballaaran ku leh codbixiyeyaasha Mareykanka, waxay diideen qoysku iney kasoo qeybgalaan shirkii lagu caleemo saarayay Trump inuu noqdo musharaxa xisbiga, taas oo la yaab ku noqotay dadbadan oo ka tirsan xisbiga, iyadoo guud ahaan qoyska Bush looga bartay iney garab istaagaan murashaxa xisbiga 5 xilli doorasho ee ugu dambeysay.

Ted Cruz

578138692

Doorashooyinkii hordhaca ahaa ee xisbiga Jamhuuriga ayaa waxaa ka jiray dagaal daran oo u dhexeeya Ted Cruz iyo Donald Trump, waxa ay gaareen iney is aflagaadeeyaan si shakhsi ahna isku beegsadaan. Ted Cruz waxa uu caddeystay inaanuu marnaba taageerayn Trump, dadka codbixiyeyaasha ahna waxa uu ka dalbaday iney u codeeyaan cidda ay u arkaan iney ku habboon tahay, xitaa haddaanuu ahayn xisbiga Jamhuuriga ah.

Mitt Romney

513525972

Guddoomiyihii hore ee gobolka Massachusetts ee dalka Mareykanka iyo murashixii hore ee xisbiga Jamhuuriga sanadkii 2012, Mitt Romney, waxa uu Bishii Marso ee kal hore ku dhawaaqay inaanuu garab istaagi doonin Trump, waxa uu sheegay in waxyaabaha uu ku fakarayo Trump aaney u wanaagsaneyn siyaasadda Mareykanka, haddii qof isagoo oo kale ah uu xukunka qabtana, waxa uu yiri, waxay khatar ku tahay  Mareykanka, waxa uu miiska soo saaray in taageerada loo leexiyay musharax madaxbanaan oo aan ahayn Doland Trump.

John Kasich

Generated by IJG JPEG Library

Guddoomiyaha gobolka Ohio, tartankii is reebreebkana kula jiray Doland Trump John Kasich ayaa waxa uu aad looga bartay inuu wax ka sheego Trump mar kasta, gaar ahaan siyaasadaha cusnsuriyadda leh ee looga soo horjeedo dadka Muslimka ah iyo kuwa kale ee muhaajiriinta kala duwan. Kasich wali kumuu dhawaaqin cidda uu u codeyn doono, laakiin waxa uu warbaahinta dhowr jeer ka sheegay in ka soo horjeedka uu Trump ka soo horjeedaa ay agtiisa ka tahay mabda’, waxa kale oo uu  sheegay inaaney jirin sabab siyaasadeed oo uu ku qancay oo ku kalifaysa inuu u codeeyo  Doland Trump doorashooyinka bisha November ee sanadka.

Lindsey Graham

530216180

Waa mudane ka tirsan aqalka sare ee Senate-ka  Mareykanka, waxaana laga  soo doortaa  South Carolina, bilowgii hore ee u diyaar garowga doorashooyinkii Mareykanka ayaa Graham uu bilaabay inuu wax ka sheego Doland Trump, waxaanuu ka qoomameeyay in wakhti horaba ay ahayd in Trump guud ahaanba laga saaro xisbiga Jamhuuriga. Graham ayaa sheegay in guulaha uu Trump ka sheegto dhanka ganacsigu uu yahay mid la buunbuuniyay, waxa uu yiraahdaa, Trump waa shakhsi fashilmay oo hoggaamin kari waayay tiro yar oo shirkado ah, sideebaa loogu aamini karaa inuu qabto hoggaanka dowalad sida Mareykanka oo kale ah, waa sida uu hadalka u dhigo’e.

Susana Martinez

during the third day of the Republican National Convention at the Tampa Bay Times Forum on August 29, 2012 in Tampa, Florida. Former Massachusetts Gov. Former Massachusetts Gov. Mitt Romney was nominated as the Republican presidential candidate during the RNC, which is scheduled to conclude August 30.

Waa gabadha xukunta gobolka New Mexico, waa gabadhii ugu horreysay ee ka soo jeedda dalalka Laatiinka ee gaarta xil intaa le’eg, marar farabadan ayay sheegtay iney dareemayso xaqiraad marka uu dhagaheeda soo gaaro erayda xanafta leh ee Doland Trump uu uga hadlo dadka muhaajiriinta ah iyo doonistiisa ah inuu damacsan yahay Darbi uu ka dhiso xuduudda Mareykanka ee dhanka Maxsico, waxay diidday iney garab istaagto ol’olaha doorashada Doland Trump iyadoo waliba lagu qancinayay iney u noqoto madaxweyne ku xigeen Trump, isku day dadka ol’olaha Trump wadaa ay ku damacsanaayeen iney ku hagaajiyaan sumacaddiisa. Waxaa xusid mudan in Martinez ay cododkii New Mexico u leexisay dhanka Trump shirkii ugu dambeyey ee xisbiga Jamhuuriga.

Ben Sasse

513515358

Waa Senator laga soo doorto Nebraska, bartiisa Twitter-ka ayaa waxa uu ku weeraray musharaxa xisbiga Jamhuuriga ee Doland Trump. Kamuu qeybgalin shirkii guud ee xisbiga, waxa uu diiday inuu garab istaago Trump, waxa uu sheegay inaan Doland Trump fahamsaneyn dastuurka Mareykanka iyo mabaadi’da uu ku taaganayahay. Waxa uu sicad u sheegay inuu doonayo taageerada musharax madax banaan oo aan xisbina ku xirneyn.

Ugu dambey, madaxdaa aan ka soo hadalnay ee ka tirsan xisbiga Jamhuuriga oo aadka u culus dhamaantood waxay ka soo horjeedaan Doland Trump, halka Hillary Clinton iyo xisbigeedu ay si wanaagsan iskugu duuban yihiin.

W/D: Khadar Xuseen Maxamed

Goobjoog News