U bood dhigaalka

Kalafadhiga 35-aad Ee Baarlamaanka Puntland Oo Maanta Furmay (Sawirro)

Sheeko:Baarlamaanka

Maanta oo Isniin ah waxaa magaalada Garoowe ka furmay kala fadhiga 35-aad ee baarlamaanka maamulka Puntland, waxaana furay madaxweynaha maamulkaasi Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland Saciid Xasan Shire oo ugu horeen halkaasi hadal ka jeediyay ayaa si kooban waxa uu u sharaxay shaqada hortaallo baarlamaankooda iyo sida loo kala hormarinayo howlahaasi.

Qodobada ugu soo horeeya ee baarlamaanka Puntland u yaallo ayuu ku sheegay in ay ka mid yihiin xisaab xirka 2014, iyo dib u eegista miisaaniyadda.

Gudoomiye Shire ayaa sheegay in waxyaabaha kale ee diiradda saari doonaan ay ka mid tahay arimaha amniga, dhaqaalaha iyo arimaha bulshada Puntland.

Dhinaca kale madaxweyne Gaas oo halkaasi ka jeediyay khudbadda furitaanka kalafadhigaan ayaa waxa uu baarlamaanka Puntland ugu hambalyeeyay shaqada ay qabteen, isaga oo ugu baaqay in ay dardar geliyaan howlaha kale ee horyaalla.

Halkaan hoose ka daawo sawirada.

 f7 f6 f5 f4 f3 f2 F1

Goobjoog News