U bood dhigaalka

Kalfadhiga 2aad Ee Golaha Shacabka Oo La Soo Gabagabeeyay Iyo Xildhibaannada Oo 2 Bil Fasax Ah Galay

Sheeko:Baarlamaanka

Waxaa maanta xarunta golaha shacabka lagu qabtay kulanka 39aad ee kalfadhiga 2aad kaas oo ajendihiisa uu ka mid ahaa soo bandhigidda warbixinta guddiga dastuurka, warbixinta guud ee howl-qabadka kalafdhiga 2aad ee golaha shacabka iyo hadal-jeedinta guddoomiyaha golaha shacabka u abbaaran hakinta kalfadhiga 2aad ee golaha shacabka.

Kulankan oo ahaa kii ugu dambeeyay kalfadhigan ayaa lagu soo bandhigay Warbixinta guud ee howl-qabadka kalafdhiga 2aad ee golaha shacabka oo la soo bandhigay, oo waxaa ku jiray arrimo la xiriira waajibaadka matalaadda, hindise sharciyeedyada la ansixiyay, hindise sharciyeedyo sugaayo akhrinta 2aad, qaraarada la horkeenay golaha, lana meel-mariyay, soo jeedinta ama mooshinadii la hor keenay golaha shacabka iyo shaqada ay guddiyada kala duwan ka qabteen, Guddiga Dastuurka Ee BFS waxaa uu Golaha Shacabka ka jeediyey warbixinta saddex bilood laha ee Dastuuriga ah,  waxaa kale oo la qeybiyay illaa 3 heshiis oo golaha uu la saxiixday dhigiisa dalalka Masar, Suudaan iyo Djibouti.

Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo halkaasi ka hadlay waxaa uu sheegay  “dalka waxaa la saoo gudboonaaday xagga amniga iyo siyaasadda oo gilgilay jiritaanka dalka, dowladnimadeena imtixaan weyn geliyay, qaraxii ugu weynaa oo Afrika ka dhaco oo Xamar ka dhacay bishii October oo dad badan ku geeriyoodeen”  isaga oo u mahadceliyay Soomaalida sida isku duubnida u muujiyeen iyo beesha caalamka sida ay u soo gurmadeen.

Miisaaniyadaha sida ay isu badaleen tan iyo 2012-kii marka laga soo tago, waxaa Jawaari sheegay in Amniga, dhaqaalaha iyo sharciyada horumar laga gaaray.

Xildhibaannada golaha shacabka ayaa galay 2 bil oo fasax ah, waxaana lagu wadaa in 15 maalmood oo ka mid ah tagaan deegaannadii laga soo doortay si ay warbixin uga keenaan, golahana ugu sharxaan baahiyada jira.

Goobjoog News