U bood dhigaalka

Kalfadhiga 40-aad Ee Baarlamaanka Puntland Oo Maanta Furmaya

Sheeko:Dalka

Manta oo Arbaco ah ayaa lagu wadaa in magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal inuu ka furmo Kalfadhiga 40-aad ee baarlamaanka maamulka Puntland.

Guddoomiyeyaasha Labada aqal ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku sugan Garoowe, waxaana ay ka qeybgali doonaan furitaankan.

Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa isna lagu wadaa in halkaasi uu khudbad ka jeediyo.

Ammaanka guud ee magaalada Garoowe ayaa aad loo adkeeyay, iyadoo ciidamo badan lagu arkayo nawaaxiga xarunta baarlmanka Puntland.

Shalay waxaa magaalada Garoowe lagu soo dhoweeyay guddoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo guddoomiyaha aqalka sare ee Baarlamaanka Cabdi Xaashi C/laahi.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News