U bood dhigaalka

Kalfadhiga 5-aad Ee Baarlamaaanka K/galbeed Oo Maanta Furmaya

Sheeko:Dalka

Maanta oo Isniin ah ayaa lagu wadaa in magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay uu ka furmo Kalfadhiga Shanaad ee baarlamaanka maaamulka K/galbeed.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa furi doona Kalfadhigan.

Sidoo kale, guddoomiyaha golaha shacabka, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo ku sugan Baydhabo ayaa la filayaa in halkaasi uu khudbad ka jeediyo.

Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa aad loo adkeeyey, iyadoo Kalfadhigan ay shaqo badan hortaallo baarlaamaanka maamulkaasi.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News