U bood dhigaalka

Kalfadhiga 5aad ee Aqalka Sare Oo Maanta Furmaya.

Sheeko:Dalka

Kalfadhiga 5aad ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta ka furmaya xaruntooda magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu furo kalfadhigan, isaga oo todobaadkii hore furay sidoo kale kalfadhigii 5aad ee golaha shacabka.

Inkasta oo kalfadhiga labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah ay furmeen hadan kama dhaxeeyo wax xiriir ah.

Wada shaqeynta labada aqal waxaa ku xiran howlo badan oo muhiim u ah doorashada soo socota.

Goobjoog News