U bood dhigaalka

Kalfadhiga 5aad ee Aqalka Sare Oo Xirmay, Akhriso Waxqabadkooda?

Sheeko:Dalka

Golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah ayaa maanta galay fasax 2 bil ah, kadib markii uu xirmay kalfadhigii 5aad.

Kulan ay xarunta golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah ku yeesheen guddiga joogtada ah ayaa sidaasi lagu shaaciyey.

Aqalka sare waxaa uu kalfadhigan yeeshay ilaa 12 kulan, oo lagu soo bandhigay sharciyo badan, oo ka soo gudbay golaha shacabka.

Waxaa ka mid ahaa: Sharciyeedka shirkadaha, Hindise Sharciyeedka Xuquuqda Siyaasiyiinta Dowlada, Hindise Sharciyeedka Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranaka(GMCQ), Warbixin ku saabsan xirrirka iyo wada-shaqeynta labada Gole iyo qaar kale.

Waxaa kale oo la xusuutaa Cabdi Xaashi, guddoomiyaha golaha iyo ka qeyb galkiisa shirka caalamiga ah ee horumarinta Baarlamaannada ee ka dhacaya magaalada Mooskow ee dalka Ruushka iyo kulan uu la yeeshay Guddomiye ku xigeenka Aqalka Federationka Dalka Ruushka (Aqalka Sare) Mudane Ilyas Umakhanov, kulan ay Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ,Arrimaha bini’aadanimada, Warfaafinta iyo Dhaqanka ee Golaha Aqalka sare BFS ay la yeesheen Mihnadlayaasha Caafimaadka iyo Ururada Bulshada rayidka, kulan ay la qaateen Wasirika Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan Iyo Xubno ka tirsan Wasaaradda Qorsheynta, kulanka Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi iyo Ergeyga Gaarka ah ee Xoghaya Guud ee QM u qaabilsan Xadgudub yada jinisiga Pramilla Navamanee Patten, safiirka dalka UK ufadhiyo Soomaaliya Mudane Ben Fender iyo ka qeyb galka guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee aqalka sare Mudane Abshir Axmed iyo Senatarro kale ee xafladda aasaaska Puntland.

Warbixin Dhameystiran, kala soco Goobjoog

Goobjoog News