U bood dhigaalka

Kalfadhiga Koowaad Ee Aqaka Sare Oo Maanta Soo Xirmay

Sheeko:Baarlamaanka

Waxaa maanta si rasmi ah loo  xiray kalfadhiga 1aad ee golaha aqalka sare kadib markii uu shaqeynayey wax ka badan 5 bil, Xildhibaannada oo la siiyay fasax labo bil ayaa loo sheegay in ay ugu yaraan 15 maalmood ah tagaan goobtii laga soo doortay.

kulankan 28aad ee maanta oo ay u dhammaayeen guddoonka golaha sida guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdulahi, guddoomiye ku-xigeenka 1aad Abshir Maxamed Axmed(Bukhaari)  iyo guddoomiye ku-xigeenka 2aad Mowliid Xuseen Guhaad ayaa waxaa soo xaadiray inta badan Xildhibaannada, waxaana warbixin looga dhageystay guddiga madaxabanaan ee dib u eegista iyo hirgelinta dastuurka ee uu guddoomiyaha ka yahay Maxamed Daahir Afrax.

Guddigan waxaa ay madaxda qaranka iyo hogaamiyeyaasha kale ku eedeeyeen in aaney daacad ka aheen howsha dib u eegista dastuurka iyaga oo codsaday xafiis, shaqaale iyo miisaaniyad.

Dhinaca kale, inta uu socday kalfadhigan koowaad, Xildhibaannada aqalka sare oo meel eber ah wax ka soo bilaabay waxaa ay aqalka sare ka dhigeen hey’ad dastuuri ah oo shaqeysa.

Doorashada Guddoonka golaha ka sokow, waxaa ay sammeeyeen tillaabooyin badan sida ansixintii guddiyadii KMG ah sida:1-Gudiga Amniga, 2-Gudiga Miisaaniyada, 3-Gudiga Gudiga Shaqaaleynta Shaqaalaha Aqalka Sare, 4-Gudiga Xeer hoosaadka Aqalka Sare, 5-Gudiga Sameynta Astaanta Aqalka Sare iyo waxaa kale oo ay ansixiyeen Xildhibaan C/kaafi Macallin Xasan Xildhibaan Fartuun C/qaadir Faarax oo noqday  Hab-dhawrayaasha Aqalka Sare.

Guddiyada golaha Aqalka sare, waxaa ay  dhameystireen dhammaan shaqadii loo igmaday, waana la meel-mariyay shaqadii la soo qabtay mid mid, waxaa kale ee uu golaha magacaabay xubnaha guddiga golaha oo ka kooban 9 guddi iyaga oo sidoo kale guddi walba uu doortay guddoomiye, ku-xigeen iyo xoghayn.

Hadda, Aqalka sare waa hey’ad ay u dhameystiran tahay heykalkeeda, waxaa ay ku guda jiraan shaqaale qoris, waxaana la filayaa in kalfadhiga dambe ay bilaabaan shaqadii uu qaranka ka sugayey.

Goobjoog News, waxaa akhristayaasheeda u soo gudbin doontaa shaqadii golaha uu qabtay kalfadhigan oo dhameystiran.

Goobjoog News