U bood dhigaalka

Kalfadhiga Shanaad Ee Golaha Shacabka Oo Maanta Furmaya

Sheeko:Amniga

Maanta oo Arbaco ah ayaa lagu wadaa in uu furmo Kalfadhiga Shanaad ee golaha shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya, kadib fasax ay xildhibaannadu ku maqnaayeen.

Waxaa la filayaa in furitaanka Kalfadhigan ay ka qeybgalaan mas’uuliyiin dhowr ah, iyadoo munaasabadda furitaanka Kalfadhigan la filayo in lagu qabto Dugsiga Jeneraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho.

Amaanka guud ee magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyey, iyadoo la xiray qaar ka mid ah waddooyinka magaalada Muqdisho.

Xildhibaannada golaha shacabka ayaa waxaa horyaalla shaqooyin aad u badan, soo laabashadooda kadib.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News