U bood dhigaalka

Kalfadhigga Saddexaad Ee Baarlamaanka K/galbeed Oo Maanta Furmaya

Sheeko:Dalka

Maanta oo Axad ah ayaa lagu wadaa in magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay uu ka furmo Kalfadhigga Saddexaad ee baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha K/galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa furi doona Kalfadhigan, iyadoo halkaasina uu ka jeedin doono khudbad uu kaga hadlayo arrimo badan.

Ammaanka guud ee magaalada Baydhabo ayaa ah mid aad loo adkeeyay, waxaana xiran dhammaan waddooyinka gala xarunta ay ku shiraan xildhibaannada K/galbeed.

Baarlamaankan waxaa horyaalla shaqooyin badan, waxaana marka ugu horreysa ay ka hadli doonaan saameynta abaarta.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News