U bood dhigaalka

Kalluumeysatada Soomaaliyeed Oo Dalbadey Tabobar Kor Loogu Qaadayo Xirfaddooda

Sheeko:Dalka

Guddiga Kalluumeysatada Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay u baahan yihiin dhallinyarada Kalluumeysatada ah iney helaan tobabaro dheeraad ah oo ku aadan kor u qaadista xirfaddooda.

Xasan Maxamed Rooble oo ah xubin ka tirsan guddiga Kalluumeysatada Soomaaliyeed oo wareysi siiyey Goobjoog News ayaa sheegay in aysan jirin niyad wanaagsan oo dhallinyarada kusoo kallumeystaan, sababtuna wuxuu ku sheegay wax soo saarkooda oo aan suuq geyn dibadda ah aan lahayn iyo sidoo kale Tobabaro badan oo aaney helin dhallinyarada.

Waxa uu sheegay in ka sokow dibadda ay aad u yar tahay suuq geynta gudaha, waxaana uu tilmaamey in magaalada Muqdisho aanu lahayn suuqyo badan oo Kalluunka lagu iibiyo, dantuna ay keento oo kaliya in lagu soo xisaabtamo Hal suuq.

“Waxaa loo baahan yahay in dadkaan Kalluumeysatada ah laa tobabaro, xirfaddooda kor loo qaado, loo helo suuq geyn dibadda ama gudaha ah, waayo magaalada waxaa ku yaalla oo kaliya Hal kawaan, degmo kasta in Kalluunka suuq looga helo waa muhiim, Kalluumeysatada Soomaaaliyeed hadda waxaa u badan dhallinyaro, xilligii ay badneyd burcad badeedda dhallinyaro lama arkeyn laakiinse hadda waxaad moodaa in iyagu ay wadaan dedaalka ugu badan”

Kalluumeysatada Soomaaliyeed ayaa mar walbo u baahan in loo sameeyo dhiiro-gelin si uu sare ugu kaco wax soo saarkooda.

Goobjoog News