U bood dhigaalka

Kalluumeysatada Soomaaliyeed Oo Ka Cabanaya Maraakiib Shisheeye Oo Xaalufin Ku Haysa Kheyraadka Badda

Sheeko:Dalka

Kalluumeysatada Soomaaliyeed ayaa cabasho waxay ka muujinayaan maraakiib shisheeye oo weli dhibaato ku haya Kallumeysatada, sidoo kalena xaalufinaya kheyraadka badda Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha dallada Hibo oo ay ku bahoobeen Kallumeysatada Soomaaliyeed, Xasan Maxamed Rooble ayaa u sheegay Goobjoog News in dhibatada ugu weyn ay tahay Kalluumeysatada Soomaaliyeed in badooda ay ka baqayaan, hadii ay isku dayaan in ay badda galaanna ay caqabado la kulmaan.

Waxa uu sheegay in kalluun yarida ka jirta dalka ay sabab u tahay kalluumaysigaasi sharci daradda ah ee ay wadaan maraakiibta shisheeye, waxaana uu soo hadal qaaday in mararka qaar maraakiibta shisheeye  ay qaataan shabaakadaha ay wax ku kalluumaystaan.

“Kalluumeysatadii badda wey u dhawaan waayeen, maraakiib shisheeye ayaa soo kala eryaaya, waana la ogyahay in Burcad Badeedda la sheego ay ka billaabatay Kalluumeysato dhibaato kala kulmay Marakiib shisheeye ah, weli wey socotaa xaalufinta baddeena” ayuu yiri Gudoomiyaha.

Inta badan Kalluumeysatada Soomaliyeed ayaa dhibaato xooggan kala kulma maraakiibta sharci daradda uga kallumeysatada Badda Soomaaliya.

Goobjoog News