U bood dhigaalka

Kalluumeysato Cabasho Ka Ah Doonyo Si Sharci Darro Ah Uga Kalluumeysta Xeebaha Mudug

Sheeko:Dalka

Kalluumeysatada deegaanka Ceelhuur ee gobolka Mudug ayaa sheegay in dhibaato badan ay ku qabaan doonyo si sharci darro ah uga kalluumeysta xeebaha gobolkaasi.

Todobaadyadii ugu dambeeyey ayeey sheegeen in xeebaha gobolka Mudug ay kusoo badanayeen doonyahan oo laga leeyahay dalalka Yemen iyo Iran.

Waxay sheegeen in dhallinyarada badda gasha aysan wax faa’ido ah kasoo saarin badda maadaama ay yimaadeen doonyo qalab casri ah wata, islamarkaana si sharci darro ah uga kalluumeysanaya xeebaha Mudug.

Cali Cabdi Cumar waxa uu kamid yahay dhallinyarada Kalluumeysatada ah ee Ceelhuur ayaa isaga oo la hadlay Goobjoog News, waxa uu sheegay in dhibaatooyin kala duwan ay ku qabaan doonyahan, islamarkaana shaqooyinkooda ay ciriir gasho.

“Doomahan sharci darrada ah waxay markii ay agteena ka kalluumeystaan ay aadayaan dhanka suuqii aan annaga Kalluunka geyneynay haddii uu ahaan lahaa kan Yemen iyo kuwo kale, saameyn bay tani nagu yeelatay, meelihii aan u shaqo tageynay bay ka shaqeynayaan, wey kaa shaqo badan yihiin, wey kaa tiro badan yihiin qalab casri ah ayeeyna wataan, waxayna danta nagu kalliftay inaan gacmaha iska laabanno oo shisheeyahaasi iska daawanno” ayuu yiri Cali Cabdi.

Sidoo kale Cali Cabdi ayaa dhinaca kale sheegay in markii ay u adkeysan waayeen dhibaatada ay ku qabaan doonyaha Kalluumeysatada sharci darrada ah ay dhallinyaro is abaabushay soo qabteen Labo doon oo badda si sharci darro ah uga kalluumeysanayey.

“Waxaa laso qabtay Labo doon, waxaana laga soo qabtay xeebaha Ceelhuur Koonfur kaga beegan, waxaana laga leeyahay Yemen, iyaga oo si sharci darro ah ku shaqeysanaya ayaa waxaa soo qabtay dhallinyaro is abaabushay, waxaana saaran dad badan oo shaqada sharci darrada ah wax ka wadey” ayuu yiri Caali Cabdi oo kalluumeysatada Ceelhuur kamid ah.

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee ka shaqeysta badda ayaa xilli walbo waxay cabasho ka muujiyaan doonyo iyo Maraakiib si sharci darro ah uga kalluumeysta xeebaha dalka, iyadoo aaney muuqan wax rasmi ah oo cabashadooda laga qabtay.

Goobjoog News