U bood dhigaalka

Kalsooni Kala Noqosho Wasiirka Dastuurka XFS Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil

Sheeko:Dalka

Guddiga dib u eegista iyo La socodka Dastuurka ee labada Aqal ee baarlamaanka Fedaraalka Ayaa kalsoonidii kala noqday wasiirka Dastuurka  Cabdi Xoosh jibriil .

Xubno ka tirsan guddiga joogtada ah ee golaha shacabka ayaa Goobjoog News u xaqiijiyey in warqadda ay heleen go’aanna ay ka qaadan doonaan.

Haddaba labada guddi waxa ay ku doodeen qodoban soo socda.

  1. Wasiirka wuxuu  inkir-sanyaha in dib u eegista Dastuurka loo maro hannaanka Sharci ah oo ku cad qodobada 133 iyo 134 oo ah in labada guddi ay leeyihiin waajibaadka dib u eegista Dastuurka.
  2. Waxaa uu ka baxay heshiiskii wadaqaynta MOU oo labada guddi markii horeba ka sameeyeen tanasul badan, si ay howsha u dhaqaaqdo.
  3. Wuxuu in badan ku mashquulay in labada guddi ay shaqadoodi gudan, asagoo kala dagaalamay inay helaan Tasiilaadkii ay u baahneyd shaqadu halkii uu gudan lahaa waajibaadkiisii ahaa in howlaha labada guddi fududeeyo .

4. Wuxuu sharci darro ku tilmaamey miisaaniyaddii ay golaha Shacabku ansixiyeen, gaar ahaan madaxa miisaaniyadda ee dib u eegista Dastuurka oo qaraarka uu sheegayo in lawada maamulo taas oo uu sheegtay in wasaaraddiisu ay gooni u leedahay .

5. Wuxuu ku mashaquul sanyahay in dib ee gista Dastuurka uu ka dhigto mashruuc soconaya sanado, asagoo heshiisyo iyo howlo aan baarlamaanka la ogeyn kula jira hay’ado Caalami ah iyo kuwa UNka.

6. Wuxuu aad ugu mashquul sanyahay in Dastuurk laga marin habaabiyo jidka saxda ah, islamarkaana uu rabo in xukuumadda ay sameysato Dastuurka aan loo marin dib u eegista Dastuurka sida sharcigu yahay mid bulshadu ka wada qeyb qaadato.

Goobjoog News