U bood dhigaalka

Kaluumeysiga Sharci Darrada oo Dib U soo Celinaya Burcad Badeedda.

Sheeko:Dalka

Kallumeysiga sharci darrada ah ee domaha shisheeye ku hayaan dalka Soomaaliya waxaa khatar ku hayaan dhaqaalaha dalka Soomaaliya, waxaa kaloo ay soo celin karaan dhibaatadii Burcad Badeedka dalkan ku yaalo geeska Afrika.

Burcad Badeedka ayaa inta badan waxaa ay marmarsiyo ka dhigtaan in ay badda ka ilaaliyaan Kalluumeysiga sharci darrada ah ee ka jira xeebta Soomaaliya.

2011-kii Waxaa ay burcad Badeedka afduubteen in ka badan 28 Markabka, waxaa kaloo dhacay ilaa 237 dhacdo oo arinkan la xiriira lakin arinta Burcad Badeedka waxaa hoos u dhigay markii markiibta ay soo wateen ilaalo u gaar ah.

Warbixin ay soo saareen One Earth Future Foundation campaign group ayaa lagu sheegay in falalka Kalluumeysiga sharci darrada ah ay keeni karaan in dhibatadii Buracd Badeedka ay soo laabto.

Dalalka Iran iyo Yemen ayaa iska leh Marakiibta ugu badan sida sharci darrada ah uga kallumeysta xeebta Soomaaliya sida warbixinta ku qoran.