U bood dhigaalka

Karaash Oo In Kabadan 15 Xil Magacaabay

Sheeko:Amniga

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cismaan Karaash ayaa saacadihii la soo dhaafay sameeyay magacabis guddoomiyayaal degmo iyo gobal.

Karaasha ayaa war ka soo baxay xafiiskiisa lagu sheegay in guddoomiyaha gobalka Mudug ee dhinaca Puntland loogu magacabay Faysal Shiikh Cali Maxamed, waxaana uu badali doonna gudoomiye Cabdiladiif oo kamid noqday hadda baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kusimaha madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale waxa uu  Cabdikariin Yuusuf Jaamac u magacaabay in uu noqdo guddoomiyaha degmada Laas-qoray.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cismaan Karaash ahna kusimaha madaxweynaha ayaa sidoo kale magacabaaya 18 agaasimayaal iyo shaqaalaha dowladda.

Agaasimayaasha iyo ku-xigeenada la magacaabay ayaa kala ah :-

1- Waxaa Axmed Shire Axmed (Garoon) loo magacaabay Agaasime ku xigeenka guud ee Dakhliga Wasaarada Maaliyada dowladda Puntland.
2- Waxaa Maxamuud Maxamed Axmed (Gurungur) loo magacaabay Agaasime ku xigeenka guud ee Machadka Tababarada Shaqaalaha Rayidka ah ee dowladda Puntland.
3- Waxaa SamSam Cabdiqafaar Maxamuud loo magacaabay Agaasime ku xigeenka guud ee Xarunta Maaraynta Xogaha Khayraadka Biyaha iyo Dhulka ee dowladda Puntland.
4- Waxaa Cabdirisaaq Maxamuud Faarax loo magacaabay Agaasime ku xigeenka guud ee Hay’adda Maamul wanaaga iyo La-dagaalanka Musuqmaasuqa.
5- Waxaa Farxiya Maxamed Maxamuud loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Dimuqraadiyeynta ee Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyada.
6- Waxaa Cabdiwaduud Yuusuf Faarax loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyada ee Wakaalada Tamarta Dowladda Puntland.
7- Waxaa Cabdulqaadir Siciid Guureeye loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Adeega Caafimaadka, Quudinta, iyo Xaaladaha deg-dega ah ee Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dowladda Puntland.
8-Waxaa Cabdirabi Maxamed Axmed Bootaan loo magaacabay Agaasimaha Waaxda Horumarinta Dhaqaalaha ee Wasaarada Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah dowladda Puntland.
9- Waxaa liibaan Cismaan Siciid loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Arrimaha Bulshada ee Wasaaarada Shaqada iyo Shaqaalaha, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee dowladda Puntland
10- Waxaa Samiiro Cabdulqaadir Maxamuud loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Iskaashiga Caalamiga ah ee Wasaarada Qorshaynta, Horumarinta dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee dowladda Puntland.
11- Waxaa Axmed Ibraahim Axmed loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Horumarinta iyo Tababarada ee Machadka Tababarada Shaqaalaha Rayidka ah ee dowladda Puntland.
12- Waxaa Mukhtaar Cabdi Ibraahim (Fariiq) loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Iskaashiga iyo Xiriirka ee Machadka Tababarada Shaqaalaha Rayidka ah ee dowladda Puntland.
13- Waxaa Bashiir Maxamuud Yuusuf (Dhaashane) loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyada ee Machadka Tababarada Shaqaalaha Rayidka ah ee dowladda Puntland.
14- Waxaa Siciid Ismaaciil Weyrax loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Kobcinta Kartida iyo Xirfadaha ee Machadka Tababarada Shaqaalaha Rayidka ah ee dowladda Puntland.
15- Waxaa Abuubakar Nuur Muuse loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Cilmi baarista ee Machadka Tababarada Shaqaalaha Rayidka ah ee dowladda Puntland.
16- Waxaa Farxiya Jaamaca Maxamed loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Maaraynta Xogta Biyaha ee Xarunta Maaraynta Xogaha Khayraadka biyaha iyo Dhulka ee dowladda Puntland.
17- Waxaa Maxamed Nuur Nageeye loo magacaabay Agaasimaha Maaraynta Xogta Dhulka ee Xarunta Maaraynta Xogaha Khayraadka Biyaha iyo Dhulka ee dowladda Puntland.
18- Waxaa Xaliimo Maxamuud Cali Aadan (Jabhad) loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyada ee Xarunta Maaraynta Xogaha Khayraadka biyaha iyo Dhulka dowladda Puntland.