U bood dhigaalka

Keating Oo Cambaareeyey Qaraxii Degmada Wadajir

Sheeko:Dalka

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Micheal Keatig ayaa cambaareeyey weerarkii qaraxa ahaa ee shalay ka dhacay goob shacab badan ku sugnaayeen degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Keating ayaa sheegay in weerarkaasi uu ahaa mid argagaxiso oo naxdin leh, kaasi oo uu tilmaamay in ay muuqato in loogu talogalay in lagu xasuuqo shacab aan waxbo galabsan.

Waxa uu Keating tacsi u direy guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan ehlada dadkii ku dhintay weerarkaasi.

“Waxaan cambaareyneynaa weerarkii argagaxisada ee naxdinta leh, kaa oo lala eegtay shacab aan  waxbo galabsan, weerarkaasi waxaa ka dhashay khasaare baaxad weyn leh, waxaana u aragnaa inuu yahay fal naxariis darro ah” ayuu yiri Keating.

Keating oo hadalkiisa sii watey ayaa sheegay iney xoojin doonaan taageerada ay siiyaan dadka Soomaaliyeed, kana shaqeyn doonaan sidii loo heli lahaa mustaqbal xasiloon iyo nabad waarta oo ka dhalata Soomaaaliya.

Qarax gaari loo adeegsaday ayaa Axaddii shalay ka dhacay goob suuq ah oo ku yaalla xaafadda Kaawo godey, degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Goobjoog News