U bood dhigaalka

Keating Oo U Hambalyeeyay Guddoomiyaha Cusub Ee Golaha Shacabka

Sheeko:Dalka

Ergeyga xogheyaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Michael Keating  ayaa u hambalyeeyay guddoomiyaha cusub ee golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan kaasi oo maanta la doortay.

Keating ayaa ammaaney shaqadii uu soo qabtay guddoomiyihii hore ee golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, isagoo soo jeediyey inay wada shaqeyn iyo isfaham yeeshaan Fulinta iyo sharci dejinta.

Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ku guuleystay doorashadii golaha Shacabka isaga oo helay 147 cod, waxaa uuna hoggaamin doonaa golaha saddexda sano ee soo socota.

Goobjoog News