U bood dhigaalka

Kenya: 5 Askari Oo Lagu Dilay Weerar Ka Dhacay Lamu

Sheeko:Caalamka

Shan Askari oo k tirsan Ciidamada Kenya ayaa la dilay, halka toban kalena uu soo gaaray dhaawac kadib markii gaari ay wateen saakay qarax Miino lagula eegtay deegaan xeebeedka Lamu.

Tirada ciidamada Kenya ee lagu dilay bil gudaheed qaraxyada Miinada ayaa waxaa ay gaarayaan 11 askari kuwaasi oo dhammaantood lagu dilay bariga Afrika.

Afhayeen u hadlay Ciidamada difaaca Kenya oo lagu magacaabo Col. Paul Njuguna quoted ayaa u xaqiijiyay warbaahinta gudaha in uu dhacay qaraxaan isaga oo tilmaamay in gaariga ay wateen ciidamada qaraxa lagula eegaty wadada Kiunga-Sankuri.

“ Dhacdada kadib tobaneeyo ka tirsan Ciidamada difaaca waxaa ay helayaan baxnaano caafimaad kuwaasi oo waxyeello ay ka soo gaartay qaraxa” sidaasi waxaa yiri Col. Njuguna.

Dhacdooyin middaan oo kale ah ayaa dhacay bilowgii bishaan, waxaana lagu dilay 6 askari oo ka tirsan ciidamada difaaca Kenya,halka lagu dhaawacay 5 kale.

Alshabaab ayaa weeraro ceynkaan oo kale ah qaada kana dhan ah ciidamada Kenya kuwaasi oo hoos yimaada dhowr xarumood oo ku yaalla gobolka Lamu.

Goobjoog News