U bood dhigaalka

Kenya: 80 Qof Oo Ku Dhintay Fatahaado Ka Dhacay

Sheeko:Dalka

Ugu yaraan 80 qof ayaa ku dhimatay boqolaal kun oo kalana waxay ka barakaceen guryahooda dalka Kenya intii lagu guda jiray muddo laba bilood ah oo ay socdeen Fatahaado uu dalka goob joog u ahaa.

Xafiiska qaramada midoobay ee isku dubaridda arrimaha bani’aadannimada war murtiyeed uu soo saaray waxaa uu ku sheegay in 80 qof ay ku dhinteen Fatahaado ka socday Kenya, halka ay barakaceen ku dhowaad 244-400 kun oo qoys tan iyo bishii Maaraso .

War-murtiyeedka ka soo baxay qaramada midoobay waxaa lagu sheegay in dadkan inta badan ay ka qaxeen gobollada Tana Nile,Kiliifi iyo Mandheera.

Dhankeeda hay’adda bisha Cas ayaa ku qiyaastay tirada ku dhimatay Fatahaadaha Kenya in ay gaarayaan 100 qof.

Fatahaadaha ayaa ka dhashay xilli roobaadka guga oo ku dhuftay Kenya, taasi oo ka soo ka baneyso abaartii ku dhufatay kala bar gobollada sanadkii tagay.

Goobjoog News