U bood dhigaalka

Kenya: Al-shabaab Oo Burburisey Xarumo Isgaarsiin Iyo Ceelal Biyood

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya deegaanka Lafey oo ka tirsan gobolka Waqooyi bari Kenya ayaa waxay sheegayaan in tuulooyin hoostaga deegaankaasi ay weerar ku qaadeen ciidamo ka tirsan Xarakada Al-shabaab.

Waxaa la sheegay inay burburiyeen Al-shabaab Taawaro Isgaarsiin oo ay lahayd shirkadda Safari com ee Kenya, iyo sidoo kale ceelal biyood ku yaallay halkaasi kadib markii ay madaafiic la dhaceen.

Mid ka mid ah dadka ku dhaqan deegaanka Lafey ayaa u sheegay Goobjoog News in aanu jirin wax khasaare nafeed oo halkaasi ka dhashay.

Sidoo kale goobjoogahan ayaa inoo sheegay in ciidamo Kenya ah ay saakay ka daba baxeen dagaalyahannadii Al-shabaab ee weerarka soo qaaday, islamarkaana ay uga dabatageen dhul baadiye ah halkaasi oo dagaal culus uu ka dhacay inkastoo khasaaraha dagaalkasi ka dhashay aan la ogeyn.

Dowladda Kenya weli warbixin kama aanay soo saarin weerarkaasi, balse ayaa dhowr jeer sidan oo kale weeraro uga geysatay deegaanno ka tirsan dalka Kenya.

Goobjoog News