U bood dhigaalka

Kenya: Dhismaha Darbiga Xadka 75 Cisho Ayaa Lagu Dhameyn Doonaa

Sheeko:Dalka

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in 75 cisho gudahood ay ku dhammeyn doonaan dhismaha darbiga ay ka dhiseyso xadka aan rasmiga ahayn ee ay la wadaagto Soomaaliya.

Guddoomiyaha Mandhera Fredrick Shisia ayaa sheegay in darbigan la dhameyn doono bisha January sanadka 2017, waana darbi dhirikiisu yahay 30 Km.

Waxa uu sheegay guddoomiyaha in tani ay qeyb ka tahay xoojinta dagaallada lagula jiro Xarakada Al-shabaab oo marar badan Mandhera weeraro ka geystay.

“Dib ayuu u billaaban doonaa dhismaha darbiga aan ka dhiseyno xadka inoo dhaxeeya innaga iyo Soomaaliya, 75 cisho ayaan dooneynaa in aan ku dhameystirno darbigan, si amniga gobolka iyo guud ahaan dalka Kenya u noqdo mid hagaagsan, waana qeyb kamid ah dagaallada aan kula jirno Al-shabaab” ayuu yiri guddoomiyaha.

Sidoo kale guddoomiye Shisia ayaa sheegay in ciidamada Kenya ay ka hortagi doonaan weeraro walbo oo Al-shabaab isku dayaan iney ka geystaan gudaha dalka Kenya waa sida uu hadalka u dhigaye.

Kenya ayaa culeysyo badan kala kulmay Al-shabaab wixii ka dambeeyay markii ay ciidankooda soo galeen Soomaaaliya sanadkii 2011, waxaana gudaha Kenya ka dhacay qaraxyo iyo sidoo kale weeraro qorsheysan.

Goobjoog News