U bood dhigaalka

Kenya: Doorashada Barasaabyada ismaamulada qaar oo la joojiyay

Sheeko:Dalka

Guddiga doorashada dalka Kenya ee IEBC ayaa shaaciyay in la joojiyay doorashada ismaamulada Mombasa iyo Kakamega, ee dalka Kenya.

Dalka ayaa maanta oo Talaado ah waxaa ka bilaabmay doorashada madaxweynaha iyo tan golayaasha deegaanka ee Kenya, waxaana la joojiyay doorashada labada ismaamula ee Mombasa iyo Kakamega.

IEBC ayaa sidoo kale sheegay inla joojiyay doorashada qaar kamid ah tira kamid ah xildhibaannada oo maanta lagu waday in ay ka dhacdo ismaamulada dalka Kenya.

Guddiga aayaa sheegay in doorashada ismaamulka Mombasa loo joojiyay qaladaad ka dhacay warqadaha codbixinta doorashada.

Qaar kamid ah musharixiinta barasaabka Mombasa ayaa la sheegay in magacyadooda la qalday, halka kuwa kalena la isdaba mariyay magaca iyo sawirka musharaxa.

Ma cadda goorta rasmiga ah ee dib loo qabanayo doorashada barasaabyada ismaamulada Mombasa iyo Kakamega ee dalka Kenya.

Goobjoog News