U bood dhigaalka

Kenya: Ganacsato Lagu Eedeeyay Iney Taageeraan Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Mandhera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegay in qaar kamid ah ganacsatada gobolkaasi ay taageero siiyaan Xarakada Al-shabaab.

Fredrick Shisia oo ah taliyaha Booliiska Mandhera oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay iney hayaan xogo sheegaya ganacsato ku sugan gobolka Waqooyi Bari in teegeero dhan walbo ah ay siiyaan Al-shabaab.

Ganacsatada qaarkood ee arrintan lagu tuhmayo ayuu sheegay Taliyaha iney ku hayaan baaritaan, islamarkaana sida ugu dhaqsiyaha badan iyaga oo caddeyn lagu hayo ay soo qaban doonaan.

Taliyaha ayaa uga digey shacabka Kenya, gaar ahaan kuwa Waqooyin bari iney taageeraan Xarakada Al-shabaab.

“Waan ka digeynaa in la taageero Al-shabaab, waxaan haynaa macluumaad sheegaya in ganacsato ay taageero siiso argagaxisada, sidaasi darteed baaritaanno baa socda cidda caddeymo lagu helana caddaaladda ayaa la waafajinayaa” ayuu yiri Taliyaha.

Xarakada Al-shabaab ayaa marar badan waxay weeraro ka geysatay gudaha dalka Kenya, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari oo ay Soomaali deggan yihiin.

Goobjoog News