U bood dhigaalka

Kenya: Hoggaamiyaha Mucaaradka Oo Dalbaday Inay Ciidamadooda Ka Baxaan Soomaaliya

Sheeko:Amniga

Hoggaamiyaha Ford Kenya  Moses Wetang’ula ayaa ku celiyey dalabkiisa ahaa in ciidamada Kenya ka jooga Soomaaliya ay dib ugu laabtaan dalkooda.

Hadalkan waxaa uu ka jeediyey mar uu la hadlayey saxaafadda isaga oo sheegay in Kenya ay u gashay Soomaaliya soo celinta xasiloonida iyo inay sameyso goob caagan taasi oo ay diideen dowladda iyo beesha calamka.

Senatorka  Bungoma, oo horayna u soo ahaa wasiirka arrimaha dibadda markii ay ciidamadooda soo galayeen Soomaaliya ayaa yiri“ Soomaaliya waxaa ay Kenya u aragtaa gumeyste, sidaasi darteed arrimahaasi waxaa ay u baahanyihiin qaabab kale oo xaliyo amniga gobolka”

Wetang’ula waxaa uu sidoo kale cabiray cabsidiisa ku aadan in weerarada uu ugu yeeray argigixisada ay sii bataan isaga oo intaasi raaciyey in dhibaatada ay tahay in kooxda weerarka geysatay ay yihiin dhalinyaro Kenyaan ah oo la marin habaaiyey.

Goobjoog News