U bood dhigaalka

Kenya Iyo Somaliland Oo Ka Wadahadlay Xoojinta Xiriirka Dhaqaale Ee Labada Dal.

Sheeko:Dalka

Kenya ayaa arrin muhiim ah u aragta dadaalka Somaliland ugu jirto inay hesho aqoonsi calami ah, Safiirka u fadhiya Somaliland dalka Kenya Bashe Cumar ayaa sheegay hadalkaan kaddib kulan ay la yesheen mas’uuliyiin ka tirsan dalka Kenya.

Usbuucii hore mas’uuliyiin ka socota Somaliland ayaa la kulmay hoggaamiyaal sare oo Kenyan ah iyo ganacsato si ay uga wada-hadlaan qaabkii loo xoojin lahaa dhaqaalaha iyo iskaashiga Kenya iyo Somaliland.

Hoggaamiyaasha Somaliland ka socday oo la kulmay Ra’iisul-wasaarihii hore ee Kenya Raila Odinga ayaa ka wadahadlay xoojinta ganacsiga u dhaxeeya labada dal. Kulankan oo uu qeyb ka qaatay fududeyntiisa safiirka Somaliland ee Kenya ayaa diiradda lagu saaray sidii labada dhinac ay u adkeyn lahaayeen xiriirka ganacsi iyo amniga.

Ra’iisul-wasaare hore Raila Odinga ayaa xusay muhiimadda ay Somaliland u  leedahay xasilloonida geeska Africa. Sidoo kale hoggaamiyaha asxaabta badan Aadan Ducaale ayaa ku casuumay labada xisbi ee Somaliland UCID iyo Kulmiye baarlamanka dalka Kenya halkaas oo looga hadlay xoojinta danaha labada dhinac iyo sidii loo sii wadi lahaa xiriirka wanaagsan ee labada dal.

Kenya ayaa qeyb ka ah taageerada ay Somaliland ku raadineyso aqoonsi caalami ah marka laga reebo fursadaha ganacsi ee labada dal. Somaliland ayaan helin aqoonsi caalami ah muddo 28 sano ah oo ay jirtay kaddib markii ay si iskeed ah ugu dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya sannadkii 1991dii.

Nation.

 

Mawduucyada:Somaliland