U bood dhigaalka

Kenya: Janan Oo Laga Dalbaday In Uu Isaga Baxo Dhulka Kenya

Sheeko:Amniga

Maamulka Magaalada Mandheera ee ismaamulka Kenya ayaa waxa ay wasiirka amniga ee dowlad goboleedka Jubbaland ka dalbadeen in uu isaga baxo dhulka Kenya ay maamusho.

Xildhibaanada iyo senetarada laga soo doorto Magaalada Mandheere oo maanta shir jaraa’id qabtay ayaa waxa ay sheegeen in ay sharci darro tahay in dad hubeysan ay wadan aan wadankooda ahayn hub la soo galaan, waxa ayna wasiir Janan iyo ciidankiisa ka dalbadeen in si deg deg ah ay isga baxaan magaalada.

Sidoo kale masuuliyiintan waxa ay sheegeen in wasiir Janan iyo madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ay deganyihiin hotel ku yaala Mandheere, waxa ayna tilmaameen in khalkhal amni aysan marnaba u ogoleen shacabka ay matalaan sida ay sheegeen.

Ugu dambeyn maamulka magaalada Mandheera ayaa waxa ay soo jeediyeen in raggaasi hubeysan ay isi soo dhibeen amaba ay sida ugu dhaqsiyaha badan uga baxaan dhulka ay maamusho dowladda Kenya.

Wasiir Janan oo maanta la hadlay Goobjoog News ayaa waxa uu sheegay in uusan ku sgunayn dhulka Kenya balse uu joogo magaalada Beladxaawo ee gobalka Gedo waxa uuna dhinaca kale xusay in wax xiriira uusan la lahayn dowladda Kenya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horey waxa ay Kenya uga dalbatay sidii ay gacan uga geysan lahayd soo qabashada Cabdirashiid Janan oo 28-kii Janaayo ka baxsaday gacanta dowladda Federaalka.

Goobjoog News