U bood dhigaalka

Kenya: Mareykanka Oo Kooxda Al-hijra Ku Daray Liiska Argigixisada

Sheeko:Caalamka

Dowladda Mareykanka ayaa Liiska kooxaha Argigixisada ku dartay ururka Al-Hijra oo ah garab ka tirsan Al-shabaab kuwaasi oo howlgallo ka fuliya gudaha Kenya.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa lagu sheegay in Mareykanka uu takoorayo Kooxadan, lagana hor istaagayo in ay helaan Lacagaha ka yimaada Mareykanka.

War-saxaafadeeka waxaa kale uu intaas raaciyay in kooxdaan ay ku jiraan Soomaali iyo Kenyan xiriirna la leh Al-shabaab kuwaas oo ka dagaallma geeska Afrika.

Al-Hijr ayaa lagu aas-aasay gudaha Nirobi sanadkii 2008-dii.

Goobjoog News