U bood dhigaalka

Kenya: Nabad Ka Dhalata Soomaaliya Waxaa Ay Ku Xiran Tahay In AMISOM Lacag Loo Helo

Sheeko:Dalka

Wasiirka arrimaha dibadda Kenya Amina Maxamed ayaa sheegtay in bulshada caalamka ay mudnaan siiso sii wadista taageerada dhaqaale ee la siiyo ciidamada ka socda midowga Afrika ee jooga Soomaaliya haddii la doonayo in gobolka ay ka dhacdo nabad waarta.

Hadal ay ka jeedisay xarunta qaramada midoobay ee Newyork qamiistii ayey ku sheegtay in qarashaadka midowga Yurub ay ka dhimeen hawlgalka nabad ilaalinta ee AMISOM uu ka hor imaanayo dadaalada lagu xasilinayo qaaradda.

“Waxaa muhiim ah inaan sii wadno maalgelinta AMISOM iyo tilaabooyinka kale ee nabadeed ee ka soconaya Afrika maxaayeelay qarash kasta oo la dhimo wuxuu caqabad ku yahay nabad ka hirgasha qaaradda ayey tire wasiirad Amina Maxamed”

Wasiiradda oo ka hadashay dood looga hadlayey nabadda Afrika oo qeyb ka ahayd kulan golaha ammaanka uu yeeshay ayaa rajo ka muujisay in arrintan ay soo jiidaneyso dareenka golaha ammaanka iyadoo wasiiraddu xoogga saartay dhaqaalihii la siin jiray hawlgalka AMISOM ee Soomaaliyaa kaasoo midowga Yurub oo taageera ciidamada dhimay qarashaadkii ku bixi jiray horaantii sanadkan.

Midowga Yurub oo kaashanaya African Peace Facility ayaa bixinayey mushaaraadka ciidama AMISOM ee Soomaaliya laakiin midowga Yurub ayaa sheegay in hawlgalkan oo bilawday sanadkii 2007dii si loo caawiyo dowladda Soomaaliya inay ka dhimeyso qarashaadkii ku bixi jiray ciidamada 20% taasooo keentay dhibaato dhaqaale oo ciidamada AMISOM soo food-saartay.

AMISOM waa ciidamo Afrikaan ah oo loo dhisay la dagaalanka kooxaha caalamku u aqoonsaday argagixisada ee jooga Soomaaliya waana hawlgal gacan ka hela qaramada midoobay maxaayeelay waxay ku joogaan ogolaansho ay ka haystaan golaha ammaanka.

Dhawaan midowga Yurub ayaa  sheegay inay bilaabayaan qarashaad ay ku bixinayaan nabadda intii lagu guda jiray shir madaxeedkii ka dhacay magaalada Kigali bishan laakiin waxaan cadeyn waqtiga rasmiga ah ee balanqaadkaas uu hirgalayo.

Balanqaadkaas kadib waxaa soo baxday in bishii hore dhaqaalihii ku baxayey ciidamada ay soo daahaan taasoo keentay in wadamada ciidamadoodu ka joogaan dalka ay iyagu isbixiyaan.

Wasiiradda arrimaha dibadda ee Kenya Amina Maxamed waxay sheegtay in nabad waarta oo laga helo Afrika ay ku xiran tahay sida bulshada caalamka ay u taageerto barnaamijyada dhaqaale iyo siyaasadeed ee ka soconaya qaaradda.

Wasaaraddu waxay sheegtay inay aad u liidato tilaabooyinka milatari ee laga qaaday qilaafka ka taagan qaaradda Afrika iyadoo sheegtay in taas bedelkeed loo maray qaab nabadeed .

In kor loo qaado horumarinta dhaqaalaha ayaa loo arkaa inay adkeyneyso islamarkaana difaac u noqoneyso qatarta ka jirta wadamada u jilicsan dhibaatooyin sidaa daraadeed nabadda ayaa keeni karta in ganacsigu uu kobco lana helo maalgelin iyo fursado horumarineed.

Ms Amina ayaa hadalkan ka jeedisay golaha ammaanka ee qaramada midoobay iyadoo ah guddoomiyaha guddiga nabadeynta islamarkaana ah la taliyaha urur dowlado ay ku mideysan yihiin oo qaramada midoobay ay dhistay kaa soo la doonayo in lagu caawiyo dadaalada waddamada kasoo baxaya dagaalada iyo ururada aan dowliga ahayn si ay u wada shaqeeyaan qarashaadna loo aruuriyo.

Kenya ayaa hadda ah madaxa guddigan kaasoo hadda si gooni ah u eegaya arrimaha wadamada Burundi, Sierra Leone, Guinea Bissau, Central Africa Republic iyo Liberia.

Goobjoog News